𝗖𝗲𝗲𝗿𝗴𝗮𝗮𝗯𝗼: 𝗥𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗘𝘆 𝗔𝗵 𝗢𝗼 𝗟𝘂𝗴𝘁𝗮 𝗚𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝘆 𝗢𝗱𝗮𝘆 + 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗢𝗼 𝗖𝗮𝗯𝘀𝗶 𝗗𝗮𝗿𝘁𝗲𝗲𝗱 𝗖𝗮𝘀𝗮𝗿 𝗗𝗵𝗲𝗲𝗿𝗲 𝗛𝗼𝗼𝘆𝗱𝗮

0

𝗖𝗲𝗲𝗿𝗴𝗮𝗮𝗯𝗼: 𝗥𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗘𝘆 𝗔𝗵 𝗢𝗼 𝗟𝘂𝗴𝘁𝗮 𝗚𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝘆 𝗢𝗱𝗮𝘆 + 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗢𝗼 𝗖𝗮𝗯𝘀𝗶 𝗗𝗮𝗿𝘁𝗲𝗲𝗱 𝗖𝗮𝘀𝗮𝗿 𝗗𝗵𝗲𝗲𝗿𝗲 𝗛𝗼𝗼𝘆𝗱𝗮

Magaaladda Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag waxa weli faro baas ku haya Ey Dad cun ah kuwaas oo marka gabalku dhaco inta badan weerarka soo qaada.

Dhacdadii ugu argagaxa badnayd ay ahayd markii habeen hore oday waayeel ah oo waysaysanaya ay dhawr Ey soo weerareen kuwaas oo la sheegay in ay lugta Goosteen.

Dadka ayaa habeenkii Guryaha hore u gala, waxaana jirta cabsi xoog leh oo ay dadku ka qabaan weerarka Eydan raxanraxanta u socota.

Ciidamada Booliiska ee Magaaladda Ceergaabo ayaa sheegay in ay qaadi doonaan weerarka lagu ugaadhsanayo Eydan.

Waxa la isku raacsan yahay in ay Eydani sumaysan yihiin.

Najax Aadan Cunaaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here