𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮𝗴𝘂 𝗘𝗲𝗱𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗜𝗻 𝗨𝘂 𝗟𝗲𝗲𝘅𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗔𝘆 𝗙𝗶𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗞𝘂 𝗖𝗮𝗮𝘄𝗶𝘀𝗮𝘆 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

0
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa si ka baxsan nidaamka dawladnimada u gacan bidixeeyay cidda ka shaqnay doonta boos cusub oo ka soo baxa mashruuc MIDA finsom project ee ay inaga caawiso dowladda Finland iyada oo soo marinaysa hay’adda caalamig ah ee IOM.
Mashruucan oo markii u horraysay ka billaabmay wasaaradda caafimaad JSL sannadkii 2017 waxa uu dhammaaday 2020, waxa ku qornayd gabadh dhalinyaro ah ka tirsan wasaaradda caafimaadka deegaan ahaana ka soo jeeda degmada Sallexlay amma koonfurta Hargeysa.
Haddaba mashruucan oo mar kale dib uga billaamay Somaliland sannadkan 2022-ka ayuu agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cabdi Xergeeye ku takrifalay maamulkiisa iyo Cidda ka shaqnay doonta boos cusub oo ka soo baxa mashruuc MIDA finsom project ee ay inag caawiso dowlada Finland (Monitoring and Evaluation), waxaanu si cad ugu sheegay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo doonayay inay u si cadaalad ah ugu tartamaan in qof madaxtooyadda laga soo diray uu ku qorayo booskan cusub ee soo baxay taas oo ay ka biyo diideen shaqaalihii doonayay inay u tartamaan.
Mashruucan waxa loo gu tallo-galay in lageeyow dhakhaatiir khibradood sarrayso cisbitaalada dalka si sare loogu qaado adeegyada caafimaad ee cisbataaladaasi.
Xigasho: Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here