𝗔𝗮𝗯𝗼 𝗜𝘀𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗶𝗱𝗮𝘆 𝗜𝗻 𝗨𝘂 𝗠𝗮𝗴 𝗞𝗮 𝗤𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗠𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶𝗹𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗟𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗵𝗶 𝗝𝗶𝗶𝗱𝗵𝗮𝘆 𝗪𝗶𝗶𝗹 𝗨𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗢𝗼 𝟮𝟬 𝗝𝗶𝗿 𝗔𝗵 ❤️

0

𝗔𝗮𝗯𝗼 𝗜𝘀𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗶𝗱𝗮𝘆 𝗜𝗻 𝗨𝘂 𝗠𝗮𝗴 𝗞𝗮 𝗤𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗠𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶𝗹𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗟𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗵𝗶 𝗝𝗶𝗶𝗱𝗵𝗮𝘆 𝗪𝗶𝗶𝗹 𝗨𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗢𝗼 𝟮𝟬 𝗝𝗶𝗿 𝗔𝗵 ❤️

Ibrahim Xaaji Ismaciil waa Aabihii dhalay Allah Naxariistii jano ha ka waraabiyo Muscab Ibrahim Xaaji Ismaciil oo maalintii labaad ee ciida 10/7/2022 shil gaadhi ku geeriyooday kadib markii Magaalada Hargaisa Booyadi ku jiidhay.
Aabaha dhalay Marxumka oo lagu magacaabo Ibrahim Xaaji Ismaciil Cilmi oo wiilkiisa ku soo tabcaayay 20 sanadood oo ku jiray sanadkii u dambeeyay ee Jamacada, ayaa maanta oo taariikhdu ahayd 16/7/2022 ay isisoo hor fadhiisteen Beeshii Marxuumka ee Axmed Faarax Nuux iyo Beesha Muuse Cabdalle oo ahayd beesha lahayd Gaadhiga shilka gaystay si ay u kala qaataan dhaqaalihii Aaska iyo Magtii.
Kulanka labada beelood kadib Goortii ay hadashay beeshii gaysatay Shilka ee ay golaha keeneen aaskii Marxuumka diyadiina codsadeen in loo mudeeyo, waaxaa markiiba goobta ka istaagay aabihii Marxuumka Sheikh Ibrahim X. Ismaaciil ayaa ku dhawaaqay qiso ugub ah oo aan dhaqanka Somalida looga baranin isagoo sheegay in inankiisii Allahi siiyay markii horeba uu ka oofsaday maalin ka mida maalmihii ugu khayrka ito barakada badnaa ee Iid Axda sidaas darteedna uu ilahay hortiisa ku cafiyay magtii ku waajibtay Beesha kale ee Muuse Cabdale oo maanta laga bilaabi aan gashi iyo godob toona loo raaci doonin if iyo aakhiro midna.
Runtii Aabahani go’aanka uu qaatay ayaa ah mid geesinimo ah oo muujinaya qofnimadisa iyo Iimaankiisa wanaagsan Allah waxaynu uga baryaynaa inuu samirka uu ka qaatay wiilkiisii uu jeclaa ee Xaafudul qur’aanka ahaa uu ka siiyo ubadkiisa kale kuwa u jooga iyo kuwa u dhalan doona intaba.
Gebo gabadii umada Islamka iyo Umadda Somaliyeed waxaan ka codsanayaa inaynu u soo ducayno aabahan iimaanka saadiqa ah leh

Maxamed Bigeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here