ZAAD Iyo E-DAHAB Waa Adeegyo Aan Laga Maarmin!!

0
377

Sida aan wada ogsoonahay waxa bulshada Somaliland ku habsaday sicir barar
iyadoo lacagta shilling Somaliland uu qiimaheedu hoos u dhacay tan iyo waqtigii
xukuumadda xisbiga kulmiye talada la wareegay.ee 2010, iyadoo marwalba
marka ka danbaysay lacagtu sii qiimo dhacaysay ilaa markii la soo daabacay
lacagta noodhka 1000 $ 5000 kun ee shiling Somaliland iyadoo ay dabar go’day
lacagtii noodhka ahayd ee 5,10,20,50.100 shilling Somaliland.
Badanaa waddan kasta dawladdiisu waxay culayska saartaa siday lacagtooda
u tayayn lahaayeen, waddamada hore u maray ee warshadaha iyo wax soo
saarka dhaqaalaha leh way ku dhacdaa in sicir barar ku dhaco iyagoo
Waddamada iyo daafaha dunida u dhoofiya alaabada kala duwan sida dalalka
Japan, Egland, Russia, China iyo Nigeria.
Waddamo badan oo qaaradaha Adduunka ka mida maaha sicir bararku mid ku
cusub dunida iyo Somaliland toona, waddamada wax soo saarka dhaqaalaha
Leh siyaabaha ay ula tacaalaan sicir bararka ee lacagta qiimo loogu yeelaa
waxa tahay
1. sell foreing exchange assets and buy their own currency, markaa
lacagahaa qalaad ee ay iibiyaan waxay sababtaa inay qiimaha lacagtooda
kor ugu soo qaadaan hoosna u ridaan lacagta dollar ka ah
2. Higher interest rates, waddamada hore u maray waxay had iyo goor
central bankoodu kaantaroolaa dhaqdhaqa lacagta waddanka, iyagoo
kaydiya si ay kor ugu soo qaadaan kobcinta dhaqaalaha dalka, iyagoo
wax soo saar badan ( productivity growth economic and political stability )
sameeynaya, runtii siyaaba badan ayay loola tacaala sicir bararka taasi
oo central bank ku joojiyo in wax lacaga soo daabacdaan.

Anigoo kusii dheeraanayn waddamada hore u maray, aan u soo laabto
Somaliland maanta warshado wax soor leh oo ay Adduunyada u dhoofiso
malaha waynu wada ogsoonahay in sicir bararka lala taacalo oo lacagta
noodhka shilling Somaliland la isticmaalo waxay inoo tahay sharaf
lacagteenana qiimo u yeelno.
Dawladdii siilanyo ee maamulkii hore ayaa sabab u ahaa sicir bararka
Somaliland ka dhacay markii lasoo daabacay lacagta noodhka dabargooyay
noodhkeedii hoose laha, Xukuumadda maanta ee Madaxwaynaha u yahay
Mudane Muuse Biixi Abdi looma nisbayn karo arimahan sicir bararka, laakiin
waxa lagu wareejiyay dal aan waxba dhex oolin oo madhan iyo ummad
midnimadoodii daciiftay oon isku duubnayn, haddii qofka masuul looga dhigo
guri madhan oo u baahan in la qalabeeyo muddo ayay ku qaadanaysaa,
Marka horta Madaxwayne Muuse Biixi waxaan ilaahay uga Rajaynayaa in
Xilkaa ilaahay ku Asturo Hawlaha Qaranka Somaliland ilaahay u fududeeyo,
waa qof wanaagsan oo qalbi fiican oo Ilaahay Dulqaad siiyay jecelna in uu
dalkiisa iyo ummadiisa wax ugu qabto. Haddaba waxaan Madaxwaynaha u
soo jeedin lahaa dhibaatooyin badan ayaa xukuumaddii xisbiga kulmiye
maamulkii hore kaa horeeyay ee Madaxwayne Siilanyo maamulkiisii hoose
ka tageen ayaa jiray, in Shirkadaha waawayn ee ganacsatada Somaliland
ay kaga cabanayeen qaarkood tusaale ahaan, iyadoo ay sida Shirkada
Telesom ee Adeedga telefoonada gacanta bixisaa ku cabanayeen Sanado
badan in Cable-ka bada hoosteeda mara in ay beriga keenaan, runtiina
cadaalad-daro ka tirsanayeen maamulka kulmiye ee Xukuumaddii
Madaxwaynihii kaa horeeyay sida uu Caddeeyay Wasiir ka Tirsanaa
Xukuumadda hore xisbiga Kulmiye Mudane Abdilaahi Geel-Jire inuu ka mid
ahaa waqtigaa gudida hawshaa gashay sheegayna in cadaalad-daro jirtay
markii loo diiday Shirkadda Telesom ayna xaq u lahayd sida muwaadiniinta
Shirkadaha kale. Waxa hadda jirta in aad maalmahan aad loo hadal hayo
hakinta xadiga lacagta la iskugu diro ee Adeegga Zaad ee Shirkadda
Telesom & E-dahab ee shirkadda Somtel, amaro cusub aad ka soo saartay

Heshiisyana wada gasheen Shirkadaha bixiya adeegda kor ku xusan,
iyagoo fuliyay Amarkii Madaxeynaha iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe
Mudane Maxamed Cabdi Dhoobale, idinkoo dhamaan Xukuumad iyo Bank
iyo Shirkadaha Telesom iyo Somtel ku dadaalayseen sidii sicir bararka looga
bixi lahaa iskuna af garateen.
Haddaba, Madaxwayne kolay waad ogsoontahay in dollar dalka soo gali jiray
yaraaday iyo sida lacagtii dollarka ahayd ee kasoo noqon jirtay Xoolaha
Dalka Yemen loo dhoofin jiray aanay jirin iyo lacagta Dekedda ka soo xeroon
jirtay waayadii hore, iyadoo hadda gacanta ku hayso Shirkadda DP.World
dollar Dekedda ka soo baxa.
Haddaba iyadoo yaraanta dollar soo gali jiray Dalku haddana in badan ku
dadaasheen sidii ummada reer Somaliland sicir bararka uga yarayn
lahaayeen Bulshada iyagoo suuqa dollar u iib gaynayaan si qiimaha shilling
kor ugu soo qaadaan, laakiin uu ka awood batay Bank Guddomiyahaa
Bangiga dhexe Mudane Maxamed Abdi Dhoobale iyo Agaasimaha Guud
mudane Abdilahi Xasan Aden, iyagoo ganacsatada kale duwan ee
Somaliland la kaashaday, iyadoo Bulshada danyarta ah ay dhibtu taabatay
inta abaaraha iyo sicir bararku ku habsaday, waynu wada dareemi karnaa
xanuunka, ilaahayna ha inaga saareee dalkuna wuxuu u bahan yahay in
laga shaqaysiiyo lacagta waddanka qiimaheeda, idinkoo la kaashanaya Cid
kasta oo aad ku tuhmaysaan inay wax idin kala qaban karto.
lacagta Somaliland haddii la kaydsato oo suuqa laga yareeyo oo qiimaha
dollarku hoos ayuu u dhacayaa, waa haddii la helo lacag dollar ah oo lagu soo
xareeyo, wax soo saar malaha Somaliland oo shay kasta waddamada dibadaha
ayaan ka soo iibsanaa, waxa ugu yar ee xataa aan beeran karno sida khudrad
hadday tahay kalluun, milix ayaa dollar lagu soo iibiyaa, Markaa Madaxwayne
dalkan Somaliland waa ( Barwaaqo Baahan ) run ahaan Isticmaalka labada
Adeeg ee Zaad & E-dahab waxay danyarta reer Somaliland u fududaysay
gurmadka deg-degga ah oo qof kasta faa’idadeeda iyo faa’iida daradeeda waxa

dareemaya Bulshada baahan ee danyarta ah, hadday miyi iyo magaalaba
joogaan, waad ogayd siday Abaarihii Dalka soo maray Gurmadka loogu
gaadhsiin jiray Adeegga Shirkadaha Telefoonadu bixiyaan ee lacagaha la
iskugu diro, markaa waa adeeg loo baahanyahay ilaa hadda oo aan Bulshada
Somaliland ka marmayn, markaa waxaan kaa sugaynaa in aad Boogihii hore ee
maamulkii tagay aad dhaydo oo sinaantii, midnimadii iyo wada jirkii ku soo
celiso Dalka, laakiin ha raad-raacin Wasiiradii hore amarada iyo cabudhinta
Xukuumaddii hore Ganacsatada reer Somaliland qaar ku hayeen , Mudane
Madaxwayne Shirkadaha dalkana hoos u eeg oo dhegayso cabashadooda oo
waxay tabanayaan si loo helo Xal.
Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here