YUUSUF GARAAD OO RABA INUU MAJARA HABAABIYO TAARIIKHDII IYO WAAYIHII SOMALILAND 1988-1991,

0
315

Xusuus qorka yuusuf garaad soo bandhigay sannadihii dagaalladu ka socdeen Somaliland 1988 -89 waa wax runtii aad xaqiiqada uga fog wuxuuna Yusuf garaad sameeyay Sawir aanay lahayn Goobtaas uu ka Sheekaynayaa oo BER-BERA ah,dhacdo been ah oo aan sinaba Suurto gal u ahayn xattaa qofkii ka maqnaa aan u cuntamayn,waxan rabaa inaan ku naqdiyo oo aan ka daba qaatto wax yar (Review),

Qormadan oo uu ugu magac daray (Xusuus qorka Yusuf garaad ee sannadihii 1989 iyo BERBERA waa wax aan la liqi Karin Qof aqoonyahan sheeganaya oo raba in Qoraalkiisa ay dadku akhristaan kuma Dhici karo inuu Been iyo sawir Humaag aan meshaba oolliin uu keeno,waxa fiican qofku inuu Ethics Qoraalka dhowro isla markaana sida uu dhigayo Xeerka Saxaafaddu waa inuu (Self- Censorship) isagu faaf reeb qoraalkiisa ku sameeyaa iskana dhowraa wixii ku soo noqon doona,waayo taariikha oo luntaa waa arrin khatarteeda leh,oo u horseedi karta umadda inay Bohol ku dhacdo,ogow dadkii taariikhdan uu ka warramayaa joogay waa nool yihiin intooda badani.

Ugu horrayn wuxuu wanaajinayaa Nimankii Saraakiisha ahaa ee Xukumayay Ciidankii Dooxatada ahaa ee Siyaad barre,wuxuuna ka dhigayaa niman u hoggaansamayay Qawaaniinta caalamiga ah ee Xeerka dagaalka (Geneva Convention),oo wuxuu tusaale u soo qaattay Janankii Qaybta 26aad xukumayay General Axmed warsame inuu Hubkiisii iyo baastooladiisii dhigay oo uu qaattay amarka ku Qoran Cusbitalka ay maamulaysay ICRC ee Ber-bera waxanu muujiyay inuu akhlaaq samaynayay generalkaasi,hase ahaattee waxa la hayaa Cajalladii Video ga uu iska duubay AXMED WARSAME taas oo uu Ciidankiisii faqash amrayo in la laayo qof kasta oo nool oo la arko (Oday,carruur,Dumar iyo Nooc kastaba,waa dadkii ka cararay Duqaynta magaaloyinka siiba Hargeisa oo uu amrayo in la horqabateeyo waddooyinka ay marayaan,

Qodob kale wuxuu yusuf garaad Xusay inuu soo kala Dhex galay Dhalinyaro Degaanka Ber-Bera ka soo jeedda oo gadoodday oo baabuur afduubeen ay lahaayeen ICRC ka dibna uu isagu xaaladda soo kala Dhex galay oo macsuumad u fidiyay Dhalinyaradii Reer BER-BERA magaalada Gudeheeda,lkn wakhtigan uu sheegayo 1989 dadkii degaanka u lahaa Magaalooyiunka Hargeisa,Berbera,Burco,Erig

Gaabo, iyo meelo kaloo faro badan oo Somaliland ah dadkoodu wuxuu u qaybsamay saddex Midkood, Wax la toogtay oo dhegta Dhiigga loo daray,wax baxsaday oo firxadkii Ethiopia ku galay,iyo wax la saftay SNM,dadkii loo xasuuqay SNM ayaad isku qabiil tihiin ee baaqigoodii qaxeen inuu u sawiro dad rabshad samayn karayay oo baabuur afduubayay Xukunka Siyaad barre hoostiisa ka dibna uu ergo ka galay oo xaaladdii dejiyay waa wax aan carruurtana loogu sheekayn  Karin,

Halkee ayay joogeen dadka reer BER-BERA ee xilligaas 1989kii ku noolaa magaalada,isla markaana awood u lahaa inay wax af-duub aan ama waddo goostaan ka dibna maslaxad lagu dhamaynayay arrinka ay ka cabanayaan,miyay jireen dad nabad gelyo ugu hoos noolaa Xukunka Siyaad barre wakhtigaas?waxa hubaal ah in dad badan oo BER-BERA dhuumasho kaga baxsaday in Hororka iyo Dugaagu cuneen,ama haraad iyo gaajo ugu dhinteen Xeebaha,

Mar kale wuxuu ka dhigay Yusuf garaad xaaladda Somaliland ka taagnayd wax iska caadi ah,wuxuuna tibaaxay inay rabsahado uun ahayd oo Matalan askarta SNM iyo Askarta Faqash isku meel lagu wada daawayn jiray oo dhaawacdooda la wada dhigi jiray Cusbitaalka ICRC ee Berbera,taas oo aan sinaba suurto gal u ahayn wuxuuna ka dhigayaa nimankii faqash ee dadka waayeelka ah toogan jiray niman u hoggansamayay Qawaaniinta caalamiga ah  ee (Puplic international law)qaybta Humantarian law ee daryeelaya maxbuuska dagaal lagu qabto iyadoo aan loo eegaynin Dhinaca uu xabadda u ridayay,Cidda uu ka tirsanyahay iwm,

Hase ahaattee taas lama helayo wuxuuna dagaalka ay Ciidanka Siyaad barre kula jireen shacbiga reer Somaliland ahaa nooca loo yaqaan (Undiscrimanted War) kaas oo aan kala soocayn meelaha Rayidku deganyahay,meelaha biyaha laga cabayo ee Xoolaha iyo dadku joogaan,iyo meelaha uu Ciidan deganyahay midna Sidaas darteed lama odhan karo haba yaraatee wax xuquuq ah ayay ilaaliyeen Ciidankii Siyaad barre haba yaraattee Caddaymaheedana waa la hayaa iyagoo buuxa,

Inkastoo aanan wada akhriyin Xusuus qorka Yusuf garaad haddana hal nuqul oo ku soo baxay joornaalada oo aan akhriyay ayaaba igu fillaatay sida Ninkaas yusuf garaad uu u luminayo Xasuuqqii arxandarada ahaa ee shacabka reer Somaliland u gaystay Talsikii Siyaad barre,waxanse odhan lahaa Yusuf garaad laftiisa ayaanay Caddayn waxa uu uga jeedo marin habaabinta taariikhda Xasuuqaas maadaama uu sidan u hadlayo,isla markaan wakhtigan oo daryanka madaafiicda iyo diyaaraduhu gaalaa baxayeen magaalooyinka Somaliland maydka shacbiguna goob kasta wadhnaa uu ku sheegayo meel qawaaniin iyo kala danbayn ay taallay.

Rashiid Odowaa             khadarsalaan@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here