Yusuf Garaad Oo Faallo Ka Bixiyay Isbedeladda Hogaanka Ururada Saxaafadda SOLJA Iyo FESOJ

0
Ururka Federaalka ee Suxufiyiinta, FESOJ, waxaan ugu hambalyeynayaa Xoghayaha Guud ee cusub ee ururka oo ay u doorteen Faarax Cumar Nuur.
Sannado badan ayaan Faarax ka wada shaqeynay Saxaafadda Qaranka Soomaaliya iyo howl kale oo saxaafadeed. Faarax waa mar uu ku shaqeeyo weriyennimo, mar uu tababbar saxaafadeed bixinayo iyo mar uu matalayo xuquuqda suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee saxaafadda. Waa mas’uul deggan, dulqaad leh, khibrad badan, dalkana xog ogaal u ah.
Waxaan isagana si shakhsi ah ugu hambalyeynayaa ururka Suxufiyiinta Somaliland, SOLJA, oo shir uu Hargeysa ku yeeshay Guddoomiye u doortay Zakariye Axmed Muxumed. Hambalyo ayaan leeyahay Zakariye.
Labada mas’uulba waxaan u rajeynayaa in ay ku guuleystaan howlahooda siina horumariyaan daafaca xuquuqda Suxufiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda. Si ay taasi ugu sahlanaato, waxaan kula talinayaa in ay ku dhiirri geliyaan xubnahooda si joogta ahna ugu tababbaraan in ay dhaqan ka yeeshaan xeerarka suubban ee saxafadda ee ay ka mid yihiin dhexdhexaadnimada, eex la’aanta iyo daacadnimadu.

War kasta oo ay saxaafaddu faafiso, qof ayaa jira ama koox dhibsaneysa oo jeclaan lahayd in aan la faafin. Marka uu qofkaas ama ay kooxdaasi awood leedahayna waxay isku daydaa in ay cabburiso suxufiga ama ay si kale u wiiqdo.
Isaga oo eegaya mas’uuliyadda shacabka ka saaran, weriyuhu ma ma ahan in uu u nuglaado dacaayadda ama xataa cagajugleynta uu wajihi karo.
Weriye waxa si sharci ah lagaga adkaadaa, keliya marka uu ka leexdo dowgiisa.
Waxaa hubaal ah marka ay saxaafaddu ku shaqeyso xeerarkeeda suubban in aan cidina si joogta ah uga hor istaagi karin wargelinta bulshada iyo qaada dhigga hadba dhacdooyinka taagan iyo kuwa soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here