Yaa Yidhi Han Ma Leh Halgamaa Maxamed Kaahin Axmed

0

YAA YIDHI HAN MALEH, HALGAMAA MAXAMED KAAHIN AXMED.

-Ninkii maalintii uu baxay 1982 kii ilaa 1991 kii ahaa ninka lacagta ugu badan dawladdii kacaanku ku dooneyso dilkiisa iyo soo qabashadiisa.

-Ninkii soo xuley ee soo tababaray ee saldhigiiisii Gaashaamo ka soo diray KAMANDOWSTII SNM ee jebisay jeelka Mandheera 1983.

-Ninkii Xoghaya guud ee SNM ahaa isagoo 34 jir ah ee madaxda Carab iyo afrikaba la soo kulmay.

-Ninkii 1984 kii bishii November loo soo diray ninkii ugu derejada sareeyay ciidankii Soomaaliya oo ahaa Sareeye guud Maxamed Cali Samatar ee la yidhi: noo keen oo soo qabo Maxamed Kaahin isagoo nool ama meydkiisa, ee uu Maxamed Cali Samatar oo ciidan cir iyo mid dhulba ku gaashaamani uu u fadhiistay meesha la yidhaado BISIQA EE BURCO u dhow, uu qaban kari waayey ee isaga iyo ciidankiisiiba xuduuda ka talaabeen ee halkii ay ka soo duuleen ee ahayd Baalidhaye badi nabad keenay ciidankiisii, ee uu aabahay (allah ha shaafiyee) oo maalintaa daweeyay ii sheegay in hilibkiisii luguhu ay sooraaceen kabihii uu ka saaray.

-Ninkii December 1984 kii, markii ciidankii fashashtu ay Burco ku dileen 45 ka nin ee labeentii Burco ahayd, duulaanka soo qaaday ee faqashtii Balidhiig fadhiday cagta mariyay ee ugu yaraan 200 ka dilay, ee hubkii ugu badnaa ee SNM furato 1988 kii ka hor ku furtay ee BM-yo iyo Tawaangiba lahaa ee kuwii Hargeysa lala soo galay 1988 kii ka midka ahaayeen.

-Ninkii abaabulay ee isku dubariday ciidankii Burco galay 27.MAY.1988 kii, ee waliba ugu sii khudbadeeyay: Inayna ka werwerin qorshaha ciidanka Hargeysa gelaayaa, ee uu hadda qabanaayo aaga ciidanka Hargeysa galaaya , awood kastana uu u huri doono in Hargeysana la galo OO AAN LABADA CIIDAN KALA HADHIN, ee kaga dhabeeyay ee qaybta weyn ka qaatay inaan duulaankii Hargeysa lagu soo qaadaayey baaqan.

-Ninkii isku xidhaha SNM ahaa ee aan habeen nasan, ee isaga talaabaayey, HARGEYSA, CADAADLEY iyo BURCO, ee ciidan waliba meesha uu joogo kaga warqaadaayey.

-Ninkii labada jeer iyo ka badan ba Madaxweyne Cigaal wasiirnimada ka diiday.

-Ninkii Dawladdii Madaxweyne Cabdiraxmaam Tuur oo uu wasiirka gaashaandhiga ka ahaa iskii isaga casilay.

-Ninkii Madaxweyne Daahir Riyaale uu wax walba u soo bandhigay maalintii urur siyaasadeedkii ASAD uu labada garab u kala jabay ee garabkii Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadana uu xisbigii UDUB ku biiray, garabkii Gudoomiye ku xigeenkii ASAD na oo ahaa Cabdiraxman AWCALI FAARAX na uu xisbiga Kulmiye ku biiray , ee Isagu keligii dhexda istaagay (waa Maxamed Kaahine) ee dawladdii Riyaale wax walba u soo bandhigtay ee yidhi : Waar anigu abtigay Cigaal Mucaarid kuma ahayne xukuumadiisa ayaan mucaarid ku ahaa, haddii aan maanta xukuumadiisii oo uu Madaxweyne Riyaale madax ka yahay ku biirana, macnaheedu waa inaan abtigay Cigaal uun mucaaird ku ahaa ee aanan xukuumadiisii mucaarid ku ahayn, taas na ma qaadan karee UDUBEEY AYNU KALA RAALI AHAANO.

-Ninkii 2010 kii , xisbigiisii guuleystey (waa Kulmiye) ee waliba guushaas qaybta weyn ka ahaa ee cidlada lagaga tagey ee misana xukuumadii uu guusheeda qaybta ka ahaa duulaanka ku soo qaaday ee u babac dhigay ee geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay in Gudoomiyaha rasmiga ah iyo waliba musharaxa Kulmiye uu Noqdo Madaxweyne Muuse Biixi. Xadhig kasta oo ay Xukuumadii Madaxweyne Siiilaanyo soo xidhona, waxaa furi jiray Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Ninkaas noloshiisa intii badnayd, mar na dilka ku xukunaa, marna xoolo lagu doonaayey ee loo soo bandhigaayey, marna xilal iyo awood lagu doonaayey ee uu diidaayey , qaarna uu isagu iskiiba uga tagay ayaa lagu sheegayaa inuu bilaa damac yahay oo bilaa han yahay oo aanu dooneyn inuu ummad hogaamiyo, taasi waa mid aan xitaa caruurtu qaadan karayn!

Mujaahid wasiir Maxamed Kaahin Axmed ilaa intii uu garaadsaday wuxuu u soo halgamaayey dalkiisa iyo dadkiisa, waa nin ku suntan, sharaf, halgan, nabadoonimo. deeqsinimo, dhul is dhig iyo inta dadnimada qofku leedahay oo dhan.

Waxay ila tahay in la soo gaadhay in xiligii uu Madaxweyne Muuse BIIXI uu u abaalgudi lahaa saxiibkii Maxamed Kaahin inay maanta tahay, waayo Madaxwyne Biixi toban sanno ayuu gudoomiyaha Kulmiye ahaa oo sharciyan ka dhigaysa inuu labadiisii jeer dhamaystay, wax uu uga baahan yahayna maanta ma jirto gudoominta Kulmiye, markaa si ay isagana duufaanta ku kacsani uga dento, waxaa u wanaagsan inuu Gudoomahayaha Xisbiga Kulmiye u cimaamado Halgamaa Maxamed Kaahin Axmed oo aan hubo in uu dib u dhis aad u balaadhan ku samayn karo XISBIGA KULMIYE.

RAGA DALKA IYO DADKABA MUDNAANTA KU LEH MAR WALBA WAA INAYNU HOREYSIINAA, KUWA AAN OGEYN KUWII SHALAY U SOO HALGAMAY, MA OGAAN KARAAN KUWA MAANTA U HALGAMAAYA.

Cimri dherer iyo caafimaad ku waar Mujaahid, xaqaaga lama gudi karee.

Suleyman Yusufdhakhtar.
+31686008590

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here