Yaa Colaadshay Caqliga?

0

Waxaan xasuustay Ina Cigaal (AHN) oo Maalin uu ka hadlayay Khayriyadda, akhriyay aayadaha hoos ku qoran. Ka dibna weediiyay dadweynihii dhegaysanayay: “Ma fahmaysaan Aayadahaas aan akhriyay? … Fahmi maysaane?”. Aayadahan uu akhriyay Ina Cigaal, macnahoodu waa sidan oo Ilaahay leeyahay:
“Hadda waxaan ku dhaaranayaa halka ay Xiddiguhu yaaliin! Waana dhaar culus, haddaad ogaan lahaydeen”.

Dadkii hore ee markaas uu Quraanku la hadlayay waxba kama ay garanayn halka ay yaaliin Xiddiguhu. Maantase wax baynu ka ognahay haba yaraatee. Raadaarka weyn ee Maraykanku dhigtay samada ee la dhaho Hubble Space Telescope, waxa uu xisaabiyay inta ‘Galaxy’ ama ‘Majarrah’ ee u muuqata, oo ay adagtahay in la tiriyaa. Waxaanu ku qiyaasay 100 ilaa 200 oo bilyan oo Galaxy. Galaxyiga inoogu dhawi waa keena oo ah xidhmaha xiddigaha sabaynaya duleedkeena, kuwaas oo Iyana tiradoodu dhan tahay Hal Bilyan oo xiddigood. Xiddig kastaana waxa ay u dhigantaa cadceed tuuraysa if iyo tamar, sida teena inoo soo baxda aroor walba. Xiddigteena (Waa Cadceeddeenee) haddii ay ku wareegaan 12 dhul oo dhulkeenu ka mid yahay, xiddigaha qaar bay ku wareegaan labaataneeyo dhul. Makhluuqaas intaa le’eg ayuu Ilaahay markan ku dhaaranayaa …
U sheega Wadaadada Wahaabiyadda ah, tani in ayna ahayn Khayaali, ee ay tahay xaqiiqo aadanuhu soo taabtay. Halka iyagu ay ka yasayaan oo ay aasayaan Caqliga Ilaahay inagu galladay.

Waxaa Quraanka ku soo arooray in aynu caqligeena adeegsano 50 Aayadood. Halka ay 20 Aayadoodna ay inagu dhiiri gelinayaan in ayu wax fahano. Sidoo kale 20 Aayadood oo kale ayaa iyana dhiiri gelinaya Fikirka wax lagu fahmo. Intaasba macnahooda Wahaabiyaddu gaashaanka ayay u daruurayaan. Oo ay Caqliga ceebaynayaan. Waxa Sheekhoodii weynaa, ee casrigan noolaa, Ibna Baaz AHUN, uu aaminsanaa in dhulku yahay sidii Bilaydh fidsan oo laga dhacayo darafkiisa. Iyo Caqiido caruureed aad ku qosli doontaan haddaan idiin sheego. Yaa Laddiif!

Dhaartaas Ilaahay inoo sheegay inay culus tahay ka dib, waxa uu Ilaahay inoo sugayaa waxa uu ku dhaartay oo ah;
In Quraanku yahay wax weyn oo Karaama mudan, oo ah Kitaab la ilaashay, oo Ilaahii ina uumay soo dejiyay, oo aanay cidina farafarayn Karin, waxna ka beddali karin. Halkaas waxaa ka baxay, oo aan ahayn sidaas uu yahay Quraanku, Xadiiskii Nabiga NNKHA, oo badhkii la farafareeyay, ama lagu been abuurtay. Bal canaantan Ilaahay ee lagu ladhay dhaartii eega:
“Waar, ma warkan laydiin sheegay (Quraanka) ayaad ku baayactamaysaan ama ku gorgortamaysaan? Oo dabadeedna aad risiq ku raadsanaysaan markaad garab martaan Xaqaas?”.

Cidda lala hadlayaa waa kuwa lacagta ama laaluushka ku doorsaday Diintoodii, ee inoo soo waariday wax aynaan hore u hayn oon ka mid ahayn Diinteena. Weedhaydaas ugu dambaysa, aad baan u xusuusanahay, oo waa tii aan u jeediyay Wadaadada Somaliland 1994kii, Iskuulka M/Jeex ee dooxa qarqarkiisa ah. Muxaadaradaas wuu yaraa wadaad ka maqnaana bari ilaa galbeed. Waana Bartaanu ku kala Baydhnay Wadaadada dhuuni raaca ah, ee Wahaabiyadda aamisan iyo kuwa la midka ah.

فَلَا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ. وَإِنَّهُ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ (76) إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ (77) فِي كِتَابٍ مَّكْنُونٍ (78) لَّا يَمَسُّهُ إِلَّا الْمُطَهَّرُونَ (79) تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ (80) أَفَبِهَذَا الْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ (81) وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ (82) فَلَوْلَا إِذَا بَلَغَتِ الْحُلْقُومَ (83) وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ. وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَكِن لَّا تُبْصِرُونَ (85) فَلَوْلَا إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ (86) تَرْجِعُونَهَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (87) فَأَمَّا إِن كَانَ مِنَ الْمُقَرَّبِينَ (88) فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّةُ نَعِيمٍ (89) وَأَمَّا إِن كَانَ مِنَ أَصْحَابِ الْيَمِينِ (90) فَسَلَامٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ (91) وَأَمَّا إِن كَانَ مِنَ الْمُكَذِّبِينَ الضَّالِّينَ (92) فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ (93) وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ (سورة الواقعة 94)

Waxa aan idinla wadaagay mar uu Ina Cigaal ka dayrinayay dadka Islaamka sheeganaya, haddana aan ku dhaqmayn. Kuwaas oo marar badan u adeegaya dulmiga iyo cadawga Muslinka, oo Quraanku aanu xidhayn, iyaga oo taas ka dayaya inay risiq ku helaan. Waxaan ka hadalnay dhaartii Ilaahay ee uu ku dhaartay Samada, inaga oo is barbar dhignay xaqiiqda Gaaladu soo taabtay iyo ta Culumo ku sheeggeena hurudda mala-awaashay … Ama samada Ilaahay abuuray weynideeda iyo kan xaqii Ilaahay uga baydhaya Roodhi yar oo uu helo, ee labadaba Aayadahani sheegeen … Taasi cibro qaddasho weyn ayaa ku jirta.

Haddaad is weyddiin lahayd maxuu Ilaahay cilmiga, dhaqaalaha, awoodda iyo horuumarka ugu furay kuwan aan diintiisa qaadan … Muxuu Ilaahay u dulleeyay muslinka is wada cunaya, gaajoonaya ee dib-u-dhaco halakeeyay … Jawaabtu waa Lax Waliba Shilalka Ay Is Dhigto Ayaa Lagu Qalaa. “Qoomna Ilaahay Ma Doorsho Iyaga Oo Is Dooriya Mooyee”, waa Aayad Quraana. Kuwa maanta kelligood nooli waa Gaalada. Xaggeena waxa soo raaca kuwaas, inta daba-dhilifka u ah, ee dhiigga iyo hagardaamada loo diray, iyaga oo sheeganaya inay Muslinkan u hiilinayaan. Kuwaas oo maanta aasay karaamadii ugu weyneyd ee Ilaahay ina siiyay oo ah Caqliga, iyaga oo weliba Diinkii Ilaahay ku soo gabbanaya.

Edwin Hubble waa aqoonyahan ‘Astronomer’ ah oo Maraykan ah, oo dhintay 1953kii. Waa ninka loogu magacdaray diiradda weyn ee lagu eego samada. Waa ninkii ugu horeeyay ee xaqiijiyay in Samadu ay kala baxayso iyada oo si walba xawaare ugu socota. Waxa ay taasi fasirtay Aayaddii ku jirtay A-Ddaariyaat 47, ee Ilaahay ku lahaa: “Samadana Awood baanu ku dhisnay, oo weliba anaga ayaa sii kala bixinayna”:
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَٰهَا بِأَيْيْدٍۢ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ

Taasi oo ka mid noqotay Mucjisooyinka Quraanku la yimid. Wahaabiyadduse waxa ay ku mashquushay inay tidhaah; “halkaas gacmihii Ilaahay baa lagu sheegay, oo wataa Yadkii (gacantii) Ilaahay ee ay dafirayeen dadka qarkii iyo Ashaaciradu!” Subxaana Allah! Ilaahay wuu ka korreeyaa in loo ekeeysiiyo Aadmiga iyo gacmihiisa. Haddaba Edwin Hubble iyo ka Muslinka hagayaa ee ina leh dhulku waa bilaydh ma isku maskax baa? Adeer markii Muslinka ay hoggaaminayeen Ashaaciradu waa la garanayaa halyaydii Ashaacirada ka wada tirsanaa, ee hoggaaminayay caalamka, Diin iyo aqoonba. Waxaa ka mid ahaa: Imaam Nawawi (Oo sharaxay Saxiixal Albukhaari), Ibna Xajar (Oo sharaxay Sxiixal Muslin), Ibna Siinaa (Cilmiga Dawada), Ibn Khaduun (Cilmiga Bulshada, Ibn Rushdi (Cilmiga Falagga, Dawada, Fiqiga, oo dhammantood ahaa Ashaacirah qaddarinaya caqliga Aadmiga …

Waxaan rumaysanahay, cidda caqliga leh, ee fikiraysa ayaa ku taagan xikmaddii Ilaahay inoo abuuray ee ahayd in aynu Diinka fahano oo aynu Dunida camirno … “Ha fikirin adigu, ee waxa aan diin iyo sunne kuugu sheego uun qaado”… Taasi Diin iyo caqli toona ma aha. Kuwa naarta ku waari doona ayuu Ilaahay inooga waramay inay ku cataabi doonaan:
“Haddaanu wax fahmi lahayn ama aanu Caqli lahaan lahayn, maanu noqoneen kuwo la saaxiiba cadaabta Saciira”:

وَقَالُواْ لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِىٓ أَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ

Mar kalena waxa ay ku barooran doonaan: “Rabbigayaw waxaan iska daba galnay saadadayadii iyo madaxdayadii, kuwwas oo na lumiyay”.

Sheekh, Shariif iyo Wahaabi toona waa qalad, inaad Caqiidadaada, qof ahaan, u daba fadhiisato. Caruurnimadii ayaanu u naqaanay Munaafaq qofka xagga caqiidada ku dayda cid kale. Sida saxanna waa adiga oo ku dadaala, qof ahaan, waxa kuu caqiido ah:

إِذْ كُلُّ مَنْ قَلَّدَ فِـي التَوْحِيـدِ إِيمَانُـهُ لَـمْ يَخْـلُ مِـنْ تَـرْدِيـدِ

Maanta Iskuulka ugu weyn ee dayacay Caqligu waa Wahaabiyadda, oo toos u dhaleecaysa fikirka iyo garashada. Waxa aad ka maqashaan eray ay ku hal-qabsadaan inuu “Caqlaanigu” yahay Diin La’aan iyo gaalnimo. Halka 100 Aayadood ay ku soo degeen qiimaynta Caliga, iyo in cidda Quraanka iyo Diinta fahmaysaa ay tahay uun kuwa Caqliga iyo Fikirka u saaxiibka ah.

Wadaad Carbeed ayaan arkay isaga oo Gaalada Maraykan iyo Reer Yurub ku habaaraya in Ilaahay rogo oo uu bur-buriyo. Markaas ayaan xasuustay hawsha ballaadhan, ee aynu dayacnay, ee isla kuwaasi inoo hayaan, ee Aqoon iyo Science-ba leh. Waana halkii odaygeenu ka yidhi: “Haddii aanay kuwaasi (Gaaladu) jirin Nabi Aadan wuu goblami lahaa”. Intaan ku soo booday wadaadkii baan idhi waar u ducee oo waxaad tidhaahdaa: “Ilaahayaw soo hadee”. Kuyee “Ma gaalada ayaad u ducaynaysaa?”. Waxaan ku idhi: “Oo sawkii Rasuulkuba u duceeyay ee waliba laga aqbalay, markuu lahaa: “Yaa Allaah, Bil Cumarayn”, ee deedna Ilaahay soo hanuuniyay Cumar Binu Khaddaab”. Kumuu duxin hadalkaygu ee waxa uu yidhi: “Adeer waxaanu doonaynaa in aanu qabsano, oo aan addoonsano, oo dumarkooda aan addoonsanay sarab-sarab ku fuulno!” Wakaas Wahaabiga Carbeed caqligiisu, ka Diinta laynooga soo waaridayaa!

Waxaa iga qosliyay nin ila dooday, oo igu sheegay inaan ahay “Aruwabidah”. Waa ayo “Ruwaybidah”? Garan maysaane, waxa ay ku timid Xadiis iska Wasdaani ah oo la yidhi Nabiga ayaa ka waramay waqti iman doona oo ah Saman Khiyaano, oo la rumaysan doono beenaalaha halka la beenayn doono Runlaha. Oo la aamini doono khaayinka, oo khaa’in lagu sheegi doono ka Aaminka ah. Oo ay dadka la dhegaystaa yihiin uun “A-Rruwaybidah”! Asxaabtii ayaa weydiisay: “Waa ayo A-Rruwaydah?”. Markaas ayuu nabigu SCW yidhi: “Waa ka isaga oo liita, haddana ka hadli doona Maamulka Dadka. “Halka ay ku socotana waad garanaysaan … Oo waa kuwa aynu is weydiinayno … “Yaa Colaadshay Caqliga?!”

عن أبِي هُرَيْرَةَ – رضي الله عنه – قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( سَيَأْتِي عَلَى النَّاسِ سَنَوَاتٌ خَدَّاعَاتُ يُصَدَّقُ فِيهَا الْكَاذِبُ وَيُكَذَّبُ فِيهَا الصَّادِقُ وَيُؤْتَمَنُ فِيهَا الْخَائِنُ وَيُخَوَّنُ فِيهَا الْأَمِينُ وَيَنْطِقُ فِيهَا الرُّوَيْبِضَةُ قِيلَ وَمَا الرُّوَيْبِضَةُ قَالَ الرَّجُلُ التَّافِهُ فِي أَمْرِ الْعَامَّةِ

Waxa qoray Maxamed Cabdi Daa’uud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here