“Xukuumadda waxa aanu leenahay Yaan La Siyaasadayn Ciidamadda Qaranka” Guddoomiye Cirro

0

uddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka. Waxa uu Guddoomiyuhu si diirran u bogaadinayaa Ciidamada Qaranka, Saraakiisha, Saraakiil ku-xigeenada, dableyda, xaasaskooda iyo caruurtooda oo uu nolol wacan iyo horumar u rejaynayo.

 

Xuska halyeyada iyo naftood hurayaasha Ciidanka Qaranku waa xus qaran oo huwan xurmo qaran, sidaa darteedna Xisbiga WADDANI waxa aanu marnaba hilmaamayn kaalinta weyn ee Ciidanka Qaranku ku leeyihiin amniga Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Xisbiga WADDANI waxa uu qirsan yahay in Ciidanka Qaranku yahay cuddudda ciida iyo calankaba cadowga kaga deyran.

Halkan guji oo daawo warkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here