Xukuumadda Oo Xayirtay HCTV + Tifaftirihii Telefishankaas Oo Xabsiga La Dhigay

0

Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraad ku soo rogtay Telefishanka Madaxa Banaan ee HCTV, Halka tifaftirihii Telefishankaasi Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) isna goor dhaweyd xabsiga loo taxaabay.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Xayiraada Telefishankaasi uu ka danbeeyay ka dib markii uu amar ku bixiyay Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Ururada Saxaafadda iyo xoriyatul qawlka ayaa cambaareeyay xayiraada HCTV iyo tifaftirahaba, waxaanay ku sheegeen in ay tahay cabudhin.

intii ay taladda wadanka haysay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa telefishankii saddexaad ee albaabada loo laabo, waxaana ka horeeyay Telefishanada Horyaal iyo Eryal, kuwaas oo markii danbe la iska sii daayay, halka dhawr wariyena xabsiyadda loo taxaabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here