Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiye Ku Xigeenkii Garabka Haweenka Waddani

0
1052

Hargeysa (Sagalnews) – Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Guddoomiye Ku Xigeenkii Garabka Haweenka ee Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen.

In kasta oo aanay xukuumadda Kulmiye shaacinin sababta ay  xabsiga u dhigtay Marwo Kaltuun, hadana dadka xadhigeeda la socday ayaa u badinaya isla markaana u dacalsaaraya in ay ka danbayso ka dib markii ay dhawaan si wayn uga gilgisheen Buugga Sooyaal ee uu qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Buuggan ayaa meerisyo ku jiraa waxa ay si weyn wax uga sheegayaan haweenka Deegaanka koofurta hargeysa,  waxaanay wakhtigaasi kaltuun iyo haween kale oo la socday ayaa sheegeen in ay si weyn uga soo horjeedaan buuggaasi,

wararka ayaa qaar ayaa sheegaya in Xukuumaddu ay diiday in damiin lagu sii daayo, waxaanay hadda ku jirtaa Saldhiga Xaafadda Qudhac Dheer ee Degmada Maxamuud Haybe ee Magaaladda Hargeysa.

sidoo kale waxa iyaduna bishii labaad Xabsiga ku Jirta Niciima Abwaan Qore oo iyadana ay xukuumaddu u xidhay arrimo ku saabsan fekerkeeda.

si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaaminayo oo wakhtigii ololaha balan qaaday in  ay ka shaqayn doonto isu soo dhaweynta dadyoowga reer somaliland ayaad moodaa in ay la kowsatay xadhig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here