Xukuumadda Oo Soo Bandhigtay Sababta Ay U Hakisay Dhismaha Hargeysa Club

0
427

Labadii bilood ee ugu danbeeyay waxa uu hakad ku yimid dhismaha Hargeysa Club oo ay Xukuumadihii hore ee Somaliland ka kireeyeen Suldaan Siciid Yuusuf oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland ayaa iyadu markii ugu horeysay shaacisay in uu dhismahaasi u hakaday khilaaf u dhaxeeyay Wasaaradda iyo Suldaanka, hasayeeshee hadda uu u socdo wada hadal.

Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud End Maxamuud Maal Cali oo arrintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dhismaha Hargeisa Club waxa jira khilaaf u dhaxeeyay Wasaaradda Iyo Suldaan Siciid Yuusuf oo laga kireeyay dhismahaasi, waana la joojiyay dhismahaasi waxaanu dhismahaasi taagnaa in muddo ah.

Murankuna wax kale muu ahayn Suldaanka iyo Wasaaradu waxa ay isla eegayeen heshiisyadda uu ku degenaa Meesha, Maadaama ay Wasaaradda Hawlaha Guud ay masuul ka tahay Guud ahaanba waxa Hantida ma Guurtada ah la yidhaahdo, sharciyan heshiisyadda lala galo dawladdu waxa ay ka baxaan Wasaaradda Hawlaha Guud.

Si kastaba ha ahaatee heshiisyadda uu haystay Suldaanku Waxa ay ka baxeen Wasaarado kale iyo Madaxtooyadda, laakiin markii Ay Wasaaradda Iyo Suldaanku isu Yimaadeen, Suldaanka ayaa ka yara booday Wasaaradda, dhismahana sidaas ayaa lagu joojiyay” ayuu yidhi Maxamuud Maal Cali Oo u waramayay Eryal.

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi  “Ka dib markii ay in muddo ah taagnayd nasiib wanaag Suldaan Siciid Yuusuf Wuxuu u soo noqday Wasaaradda, waxaana uu kulan dhex maray Wasiirka Hawlaha Guud iyo Suldaan Siciid, waxaana uu kulankaasi dhacay shalay maahee doraad, waxaana qaabka uu suldaanku ku deganaa Hargeysa Club uu ahaa qaab kiro ah cidii doontaaba ha ka kiraysee, waxaanu keenay Documents-kii aanu marka horeba ka doonaynay oo uu la daahay” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here