Xukuumada Oo Ka Hadashay Xadhiga Suldaan Sabayse

0

Wasiir xigeenka amniga Cabdi Daahir Camuud ayaa sheegay in xadhiga Suldaan Mawliid Sabayse uu ka dambeeyay ka dib markii uu ka talaabay xadka isla markaana uu ku dhawaaqay weedho kicin kara bulshada.index
Cabdi daahir oo u waramayay BBC ayaa yidhi “Ninkaasi Suldaanka ah ee shalay la soo qabtay ee lagu magacaabo Mawliid, wuxuu baryahan ku jiray abaabul xooggan oo nabadgalyo darro ah, warkiisana waanu haynaa, hadalo xiqdi ah oo dadweynaha kicinaya ayaanu ku hadlay inta badan. Waxa loo haystaa kicin iyo abaabul nabadgalyo darro, iyo hadalo abuuraya nabadgalyo darro. Abaabulka waa marka qofku yidhaa dadka soo kaca oo dawladda waxaad doontaan baad ku samayn kartaan, suldaana wuxuu ka shaqeeyaa nabadda,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenku isagoo BBC-da la hadlaya.

Wasiir xigeeenka oo la waydiiyay in suldaan sabayse loo xidhay dhaliilo uu xukuumada ujeediyay ayaa yidhi “Adeer waxa weeye Haamaha shidaalka xukumad baa u xilsaaran. Xukumadda ayuu sharcigu siinayaa inay iibin karto, inay kiraysan karto, muwaadiniin reer Somaliland ah baa la siiyay, ninka ka soo horjeeda ee leh maxaa loo siiyay dee waa nin wax kale doon ah. Dimuqraaiyaddu maaha wixii dastuurku I siiyay haddaan ku dhaqmo oo adigoo shacabkaygii ah aad iska shoobarayso waa lagu qaban markaas,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here