Xoghayihii waddani iyo Afhayeenkii Oo Xabsiga La dhigay + Maxaase Ka Jira xadhiga Hogaamiyihii waddani

0

Ciidamadda Booliska ee Magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay in ay caawa Fiidkii xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Guud ee Xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenkii Xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun.

Xadhiga Masuuliyiintan ayaa sida loo badinayo ka danbeeyay ka dib markii uu maanta gelinkii hore ee Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu ku baaqay isu soo bax ay xarunta xisbigaasi ka dhigi doonaan Taageereyaasha xisbigaasi ee Gobolka Maroodi Jeex.

Baaqa Guddoomiyaha ayaa waxa jawaab ka bixisay Xukuumadda iyo ciidamadda Booliska oo isku raacay in aanay wakhtigan suurtogal ahayn in ay dalka ka dhacaan Banaanbaxyo.

weli xukuumaddu war kamay soo saarin sababta ay xabsiga u dhigtay masuuliyiintan, hasayeeshee Xisbiga Waddani ayaa ayaa ku tilmaamay sharci darro.

dhinaca kale in kasta oo baraha bulshadda lagu baahiyay in ciidamadu ay xabsiga dhigeen Hogaamiyihii xisbiga waddani, hadana masuul sare oo ka tirsan Xisbigaasi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxaysa Xukuumada iyo xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa meel adag maraysa, taas oo ka danbaysay ka dib markii laba xubnood oo uu madaxweynaha somaliland u soo xushay guddiga doorashooyinka ay ganafka ku dhufteen.

ma muuqato waan-waan la isugu soo dhaweynayo dhinacyada sii kala fogaanaya ee xukuumadda iyo Mucaaradka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here