Xisbiga Waddani Oo Masuulkii Saddexaad Xalay Laga Xidhay

0

Boorama (Sagalnews) –  Ciidamadda Booliska ee Magaaladda Boorama ayaa xalay Niskii Danbe xabsiga u  taxaabay Guddoomiyihii Garabka Haweenka Xisbigaasi ee Gobolka Awdal Xaawa Rooble.

Xadhiga Masuulkan ayaa lagu sheegay in uu ka danbeeyay ka dib markii ay taageero u muujisay Guddoomiyaha Xisbigaasi, sidoo kalena ugu baaqday taageereyaasha  Waddani ee Magaaladda Boorama in ay isugu soo baxaan fagaare.

48-Kii saacadood ee u danbeeyay waxa ay uu xadhiga Xaawa Rooble noqonayaa Masuulkii saddexaad ee laga soo xidhay xisbiga Mucaaradka ah ee wadani,waxaana hore xabsiga ugu Jiray Xoghayihii Guud ee Xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenkii Xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun.

xukuumadda ayaan weli faahfaahin ka bixinin xadhiga masuuliyiintan xilalka sare ka haya xisbiga mucaaradka ah ee waddani.

Image may contain: 1 person

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here