Xisbiga Deegaanka Oromada ee OPDO Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromada

0
209

Waxaan soo ceshanaynaa xidhiidhkii walaalnimo ee nagala dhexeeyey shacab waynaha soomaalida itoobiya,waxaana si walaalnimo iyo sharaf kudheehan tahay meesha looga saari dareenada khaldan ee laab lakaca ah. Sidoo kale waxaa si mas’uuliyad iyo Taxadar kudheehan yahay loo xalin dhibaatooyinka xiliilaha ah ee aan soo jireenka ahayn islamarkaana waxaan si dareen walaalnimo leh uga wadashaqaynaynaa faa’iidooyinkeena guud, waxaana shacabwaynaha oromada kacodsanaynaa inay shacabka qoomiyada soomaalida iyo shucuubaha kaleba ay ulanoolaadaan nidaamkii isjacaylka iyo iskaashiga lahaa ee uu dhaqanka oromada ee gadhaagu lahaa.
Sidoo kale waxay Golaha dhexe ee OPDO aaminsan yihiin inay jireen kaladuwanaansho fikir oo aan laxalinin. Sidaadarteedna wuxuu xisbigu hoosta kaxriiqay in mar walba kaladuwanaanta aragtiyaha lagu xaliyo wadaxaajood iyo wadahadal islamarkaana aan Isfahan darrada dagaal ama qalalaaso looga jawaabin ee wada xaajood iyo Isfahan lagu dhameeyo ayuu goluhu mustaqbalka dhow kashaqayn doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here