Xirfadda Doodaha

0

Doodu waxay muujisaa heerka ilbaxnimo ee ay bulsho ama waddan joogo waxa
lagu qiyaasaa inay doodda ay bibaaeen Giriigii hore muudo ku siman qarnigii
6aad waxa loo yaqaanay (Athenian Democracy) xilligan oo la isaga iman
jiray magaalada iyo aageedaba si loo dhegeysto doodaha halkaas ka dhacaya
halkaas lagu kala calaf qaadi jiray,wakhtigan casriga ah waxay dooddu ka soo
bilaabantay Magaalada London qarnigii 18aad bilowgiisi xilligan oo horumarka
ingriisku oo meel sare gaadhay waxa jiray fagaareyaal dhaqamada lagag doodo
lakiin markii danbe way ballaadheen markii qaybo badan oo ah bulshadu ka soo
qayb gashay mawaadiicdii lagaga hadlayay way ballaadheen.
Dooddu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu qaalisan ee dunida casriga la isku
muquuniyo ama lagu kala badiyo,sidaas oo ay tahay maaha muran iyo qaylo
badnaan ee lakiin waxa ay u bahantahay cilmi iyo xurfad dheeri ah,ma diidi
karno inuu qofku aftahan noqon karo taasi waa hibo ilahay bixiyo waxaynu se
wax ka taataban doonaa qaabka ay doodu marto.
Kolka hore waxaynu u kala saari doonaa (Argument iyo Debate) labadaba inagu
waxay u naqaanna Af Somali ahaan dood,wayse kala balaadhanyihin oo waxa
lala tagaa doodda boqolaal Argument oo la is waydaarsanayo,sidaas darteed
markaad isku soo habaysato Argument ka ayaa Doodda la yimaadda.
Argument; waxa loo yaqaanna hadal waxa laga fahmi karo Nuxur leh wuxuna
leeyahay laba qaybood oo kala ah (Premisses + Conclusion=Argument) waxa
ayna dhigantahay sidan hoos ku qoran;-
Sababayn + gabagabayn=Dood
Hadalku waa inuu lahaadaa Sababayn marka danbe kugu raaridaysa gabagabo
tusaale ahaan waxan idhi “Orgigii lug ayuu ka jabay” ka dibna intaas ayaan

ku gaabiyay hadalkii,waxa dadku is weydiinayaan orgiga maxaa jebiyay,lakiin
hadii aan idhaa “shalay galabtii ayuu Orgigu isagoo wadda ka talaabaya
ayuu gaadhi raaxo ahi jiidhay sidaa darteed ayuu Orgigu lug uga
jabay”markaas waa la fahmay sababtii orgigu ku jabay.
Haddaba argument ayaa abtirsiin kala leh labada nooc ee ugu caansan waxay
kala yihiin “Deductive” iyo “Inductive” macnaha waa “Dood adag” iyo “dood
jaban” haddii aynu ku sii yara durugno oo sharax kooban ka bixino.
DOODDA JABAN (inductive argument)
Dooddan nafteedu waxay u kala baxdaa dood xooggan iyo dood jilicsan aynu
eegno doodda xooggan (muran adag iyo male awaal) waxa uu adeegsadaa qofku
muran aan xad lahayn hase ahaatee dooddan lafteeda ayaa sii kala leh laba
qaybood oo Cogency iyo Uncogency macnaha waa lagu qanci karaa haba
ahaato Mura nee waa lagu qanci karaa iyo laguma qanci karo labadada way ku
soo dhamaataa.
Tusaale;Digaaggu wuxu ka midyahay shibiraha,shinbiruhuna way duulaan
Sidaas daraadeed waxa khasab ah inuu digaagguna duuli karo.
Hadalkan waxa ku badan male awaal wax caddayn ah uma hayno inay digaagu
duulaan lakin haa qaabka shinbiraha way leeyihiin ama waa isku hayb.sidaas
darteed ninkan odayga ahi wuu inagu khasbayaa inaan aamino uun,sidaasna
waxay ku noqonaysaa dood jaban (Inductive)
DOODDA ADAG(deductive argument)
Dooddan waxa lagu raacaa waxay leedahay qaab qurux badan oo qodabaysan
nafteedu waxay u sii kala baxdaa laba qaybood oo kala ah (Valid) iyo (inavalid)
waxay ka dhigantahay dood sharci wadata iyo mid aan wadan,haddana sidaas
oo tahay waxay noqon kartaa (Sound) iyo (Unsound) waxay noqon kartaa Run
iyo been labadaba waxaynu raaci uun ta runta ah.
Tusaale; Mar haddii A+B=C sidaa daraadeed maxaa diidaya inay B+C=A
qaabka ay dooddan Deductive loo yaqaanna u hadashaa waa qaabkaas waxa
caado ah waxay leedahay caddayno iyo qodobo sharci oo lagu kaabayo.

Haddaynu soo ururinoo doodda ugu qurxda badan waxa qaatta qofka
sharciga wax ka barta ee ilaahay siiyay hibo xagga hadalka ah lakiin
maaha qofku inuu sharciga u barto aad dadka kula murantid waa inuu
yahay qof macquul ah si kastaba.
Wa billahi towfiiq
Rashiid Odowaa
Rashidsalan1982@gmail.com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here