“Xilka Loo Dhaariyay Saamiya Xasan Waxay Fursad U Tahay Haweenka Afrika” Cabdikariin Xuseen Guuleed

0
Dhaarinta Samia Suluhu loo dhaariyay maanta xilka madaxweynaha cusub ee Tanzania waxey macno weyn u yeeleysa fursadda hoggaamineed ee haweenka Afrika.
Maama Samia oo ah muslimad ayaa sidoo kale madaxtinimadeedu waxey rajo badan galineysa gabdhaha muslimka ee qaarada, gaar ahaan kuweenna Soomaaliyeed.
Samia Suluhu waxey waqti dheer ka mid aheyd hannanka maamul ee Tanzania, waxaana lagu tilmaama qof ku suntan hawlkarnimo, maamul wanaag iyo faham Dowladeed.
Waxaa halkaas laga qaadan karaa muhiimada ay leedahay in muddo lagu dhex noolaado maamulka, oo lala falgalo xaaladdo iyo waayo kala duwan, taas oo soo saareysa qof cabqari ah oo jiheyn kara ummadda.
Waxaan aaminsanahay iney muhiim tahay in la kordhiyo fursaddaha ay dumarkeennu kaga mid noqon karaan boosaska sare ee dalka, lana abuuro xirfadyaal siyaasadeed oo dumar ah oo si dhab ah u caawin kara Qaranka. Waxaa tusaale noogu filan daacadnimada ay muujiyeen haweenkeena hada ku jira siyaasadda, inkastoo aaney wali helin boosaskii ay mudnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here