Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaana Uganda Oo Loo Maxkamadaynayo Khiyaano Qaran

0
87

Robert Kyagulanyi oo ah fannaan caan ka ah Uganda isla markaasna ah xildhibaan ayaa la soo taagi doonaa maxkamad milatari.

Wargeyska ay dawladdu leedahay ee New Vision ayaa daabacay in lagu soo oogi doono khayaano qaran, in uu hub sharci darro ah haystay iyo in uu yiri hadallo wax u dhimaya sumcadda kolanyada madaxweyne Yoweri Museveni.

Xildhibaankaas oo caan ku ah Bobi Wine ayaa lala maxkamadayn doonaa Kassiano Wadri oo ah siyaasi mucaarad ah, kaas oo Arbacadii ku guulaystay doorasho heer deegaan ah oo ku celis ah oo aad loogu loolamay, taas oo xisbiga talada haya lagaga adkaaday waqooyiga Arua.

Labadaas masuul ayaa la xiray ka dib markii la weeraray kolonyada madaxweyne Yoweri Museveni ammin dambe oo Isniintii ah, intaas ka dibna Wine darawalkiisa ayaa la dilay.

Wine ayaa Arbacadii la geeyay isbitaal milatari isaga oo aan la sheegin waxa laga dawaynayo, sida uu ra’iisulwasaare ku xigeenku u sheegay baarlamaanka.

Wuxuu noqday nin aad u naqdiya madaxweyne Museveni tan iyo markii uu noqday xildhibaan madax bannaan sannadkii hore, waxaana loo arkaa nin si wayn ula tartami kara doorashada 2021ka.

Museveni ayaa talada hayay tan iyo 1986 waxaana lagu wadaa in uu xilka u tartami doono mar kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here