Xildhibaan Indho-indho Oo U Kala Hiiliyay Ilma Biixi ““Waxaan Madaxwayne Ku-xigeen U Ahay Muuse Biixi ,Maxamed Biixina Dhulbahantaa Ii Diiday”

0

Cabdi Qaadir Maxamed Xasan Indho-Indho ayaa ka hadlay kulan ay la yesheen Beeshoodu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo lagaga Hadlayay Sidii Xubnaha Golaha Dhexe ugu Jira u Tageeri lahaayeen,Halka isna uu muuse u yahay Ku xigeenkiisa Madaxwayne ku xigeen.

Picture

Indho-indho ayaa sheegay in ay Beeshiisu ku qancisay inuu Muuse Biixi ku xigeen u noqdo kana Tanaasulo Ku xigeenada uu u ahaa Samaale iyo Maxamed Biixi oo iyaguna la tartamaya Muuse biixi.

Xildhibaan Indo-indho oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi
“Kulankaasi waxa uu daarnaa Nimankii War San Gali iyo Nimankiii Dhulbahante ee ku jira Ayaa waxa ay go’aan Sadeen inaan Noqdo Muuse Ku xigeen una sharaxana Madaxwayne ku xigeenka,isla markaasna go’aan waxaanu ku gaadhnay in ay Foodka Siiyaan Si uu u soo Baxno ana isaga ayaa ku xigaa oon u ahay Musharax ku xigeen.
Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.”Markii hore waxaan ahaa Sacad Muuse ku xigeen Balse maanta waxaan ahy Muuse biixi Cabdi ku xigeen,Dhulbahante iyo War San Galina way ugu raacsan yihiin cod iyo Tirana waan ku soo kordhin Doonaa oo Cod Muuse Kama War Wari Doono,iyaguna Sidaas ayay igula Socdaan ana waan ka Aqbalay Dhamaantood.
Cabd Qaadir Maxamed Xasan Indho-indho ayaa tilmaamay inaanu ku xigi doonin Samaale iyo Maxamed Biixi isla markaasna Beeshoodu kula Taliyeen inuu Muuse Biixi Garab Siiyo Lana Garab istaago Hiil iyo Cudud waxaana uu yidhi.
“Labadii Hore ee aan lahaa waan ku xigaa reerkayagii ayaa diiday oo kulankii aanu shalay yeelanay igula taliyay inaan ku xigo muuse biixi,waxaana kulankaasi ka Soo baxday in Naf iyo maalba aan la Garab istaagno muuse biixi ana aan ku xigo.
Dhawaaqa ka Soo yeedhay Cabdi Qaadir Maxamed Xasan indho-indho ayaa ku soo beegmay xili ay kulan qado ah yesheen muuse biixi iyo Masuuliyiinta Dhulbahante iyo Harti ee Hogaanka u ah kuwaas oo Muuse ku qanciyay inuu Indho-indho madaxwayne ku xigeen u noqdo,maal iyo Cududna La garab istaago.
Geesta kale waxa uu soo jeediyay in Afar iyo Tobanka Gobo lee ku dhex tartamaya Koobka Gobolada somaliland waxaana uu soo jeediyay in dhamaan lawada tageero wixii lagu tari karana Madal lagu wada Gudoon Siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here