Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Xaaladda Siyaasiyiin Caan Ah Oo Ethiopia Ku Xidhan

0
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa si adag u cambaareysay xadhiga Ay Xukuumadda Ethiopia kula kacday siyaasiyiin caan ka ah dalkaasi, kana soo jeeda Qoomiyadda Oromia.
Warkan oo uu baahiyay Wargeyska Addis Standard ayay Ilhaan Cumar ku tidhi “Waxaan aad uga walaacsanahay xaalada maxaabiista siyaasadeed ee oromada, oo uu kujiro Bekele Gerba iyo hogaamiyayaal kale oo kujira cunto joojinta.
Diidmada helitaanka daaweynta ayaa xadgudub weyn ku ah xuquuqdooda aadanaha waxayna kaliya sii xumeyneysaa dhibaatooyinka halista ah ee ka taagan Itoobiya.
Dowladda Itoobiya waa inay ula dhaqantaa maxaabiistaas Sida Ay Dhigayaan ama ogol yihiin xeerarka Caalamku ee la wada aqoonsan yahay ee nidaamka xuquuq dhowrista iyo sharafta aadanaha” ayay tidhi Ilhaan Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here