Xildhibaan Dhakool Oo La Sheegay In Caawa La Xidhay

0

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa la sheegayaa in ay caawa xabsiga u taxaabeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiiladda soomaaliland.

Xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa ka danbeeyay  ka dib markii uu shalay si weyn u dhaleeceeyay xuska 18 may oo uu ku sheegay in ay tahay maalin ay mid ka mid ah beelaha soomaaliland wada degaa gaar u leedahay.

Xukuumadda Soomaaliland ayaan weli ka hadal xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, hasayeeshee waxa la filayaa in ay saacadaha soo socda in ay faahfaahin ka bixiyaan xadhigiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here