Xildhibaan Dadkii U Codeeyay Ka Soo Cawdeen Dirayskiisa Oo Fadhigii Baarlamaanka Ka Baxay

0
64

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa fadhigii uu Golahoodu lahaa ka baxay ka dib markii uu la kulmay dhaleecayn badan.

Dhaleecayntan loogu jeediyay Xildhibaankan ayaa lagu soo eedeeyay in hub qaadkiisu uu aad u liito maadamaa uu mar walba soo xidhanayo Garan, Surwaal Jiinis ah iyo kabo Isboortis ah.

Taageereyaasha ayaa ku doodaya in ilaa wakhtigii uu ku jiray Ololaha Doorashada iyo iminka oo uu Kursigii uu u ordayay ku fadhiyo aanu marnaba soo xidhan dhar ka duwan kuwa uu hadda qaato.

waxa ay tusaale u soo qaateen in xitaa marka ay Madaxda Xisbiga uu ka tirsan yahay socdaalka ku imanayaan deegaankiisa uu isagu soo xidho dharkii lagu yaqaanay Ee ahaa Garanka, Surwaalka Jiiniska ah iyo Kabaha Isboortiga ah.

“Waa arrin ceeb ah in uu xildhibaankayagu soo xidho dharkan, dirayskan uu soo xidhaa maaha mid aanu ku qanacsanahay isla markaana aanu ku kalsoonahay” ayuu yidhi mid ka mid ah taageereyaashiisu.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here