Xidhiidhka Diplomasiyaded Ee Uu Maraynku Somalia La Soo Ceshaday Waa Markab Dushii Iyo Afka Baarkiisa.

0

Waxa ayaamahan la hadal hayaa Safaaradda maraykanka ee Nairobi oo loo soo rarayo Muqdisho waxase xusid mudan safiirka Somalia (Don yamamoto) iyo madaxweyne farmaajo sida la caddaynayo waxay ku kulmeen Iskuulkii Xalane dhexdiisa qaab dhuumasho u eg waxana labada u tagay M farmaajo safiirkuna wuu ku sugayay halkaasna lagu wada galay sawir u muuqda qaab la kala guddoomayo Waraaqihii (Accreditationka).

Waxa markaba halkaas ka muuqanaya inanay muuqanin qaab diplomasiyaded sax ah,waxa jira caadiyan in safiirka la soo magacaabaa ee dal ka imanayaa inuu Airportka ka soo dego oo toos u yimaaddo madaxtooyada halkaas lagu soo dhoweeyo roog cas madaxweynuhuna ka guddoomo waraqaha (Credentialka) loo yaqaanno isla markaana xaflad loo samayn karo.

Haddaba waxa is weydiin mudan Dowladda USA oo la ogyahay inay xattaa dadka Somalida ah ka mamnuucday dhowaan inay dalkeeda galaan, iyagoo og waayaha iyo xaaladda Somalia iyagoo xattaa ay ciidamo ka joogaan aan iyaga iyo ilahay mooyaane cid kaloo ogi aanay jirin tirada Ciidanka Maraykanka ah ee jooga Somalia waliba ay ka wadaan duqaymo iyo dagaallo qarsoon,iyadoo aanay Wali Somalia wax la taaban karo ka soo raynin xaaladii uu kaga tagay 30 sano ka hor xilligaas oo 18 askari lagaga dilay muqdisho.

Maanta miyuu jeclaaday Somalia? Ma waxa la odhan karaa ma oga xaaladda Somalia? Xaasha ilama aha ee xaalku waa danihiisa oo keliya iyo inuu quwadaha ama Dowladaha kale ka riixdo Sida Turkiga iyo qadar si uu u sii xoojiyo joogitaankiisa uu joogo Somalia.

Xattaa waxay suaali ka taaganyahay dowladaha iyo ciidamada kala duwan ee Somalia ku sugan oo illaa hadda aan la sixi Karin tiradooda iyo waxyaabaha ay qabtaan.

Waxan ku soo ururin karnaa Xidhiidhka Diplomasiyaded ee Maraykanka iyo Somalia waa markab dagaal dushiisa iyo danihiisa uun ee maaha wax faaiido badan ugu taallo Somalia iyo Xukuumadda farmaajo ee dabayl raaca ah.

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here