Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay canbaaraynaysaa xadhiga 4 suxufi oo lagu xidhay Boorama

0

19 th January 2021- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa
xukuumadda Somaliland inay si dhaqso ah oo aan shardi ku xidhnayn u sii dayso suxufiyiinta afarta ah ee ay ku xidhay Boorama.
Xuseen Caateeye Gaafane, oo ka tirsan Universal TV, Cabdilaahi Daahir Wacays, Saab Tv,
Axmed Diiriye Ciiltire, SBC TV, iyo Shucayb Maxamed Kaahin, Bulsho TV, waxa ay ku jireen
saldhigga Booliiska tan iyo 16 January 2021 iyada oo uu xadhigooda amray Maayarka Boorama sida ay noo xaqiijiyeen ilo badan oo aannu la xidhiidhnay. Ma jirto wax dembi ah oo lagu soo oogay.
Xadhigoodu waxa uu la xidhiidhaa qoraallo ay soo dhigeen barahooda bulshada ee Facebook oo la sheegay inay ku saaban safar la sheegay inaan la shaacin oo duqa Boorama oo ku tegay Jibuuti. Waxa la qabtay suxufiyiinta iyada oo aan wax amar maxkamadeed ah loo hayn.
Xadhiga suxufiyiintu waa sharcidarro iyo cabudhin. Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ku
shaqeeyaan deegaan cabudhin ku ah. In loo xidho suxufiyiinta wax ay ku qoreen baraha bulshada
waxa ay ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafada. Maayarku awood uma laha inuu
xidho qofkii soo qora wax aanu jeclaysan. Xorriyadda hadalku waa arin dastuuri ah ee maaha wax u baahan ansixinta maayar.
Sida ku cad qodobka 25(2) ee dastuurka qofna lama qaban karo hadii aanu dembi faraha kula
jirin ama aanu soo saarin garsoore awood u leh xadhig sababaysan. Sidoo kale qodobka 32 ee
dastuurku waxa uu damaanad qadaay xorriyadda warbaahinta oo waxa uu mamnuucay in
warbaahinta la cabudhiyo.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ugu baaqaysaa xukuumadda inay xorriyaddooda u soo
celiso afarta suxufi oo ay ilaaliso xorriyadda warbaahinta.
Yasmin Omar Haji Mohamoud,
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here