XARUNTA IMTIXAANAADKA QARANKA JSL OO DEEQDIHII WAXBARASHADA SANADKAN SI CADAALO DARI AH U BIXINAYSALA

0

Deeq waxbarasho oo loo fidiyo ardayda Somaliland ayaa waxa ugu dambeeyay sanadkii 2012Kii. Tan iyo wakhtigaa may jirin deeqo waxbarsho oo ay ardaydu six xor iyo xalaal ugu tartamaan. Wasaaradu waxbarashadda ayaa iska daa deeq waxbarasho oo dibada ay siiso ardayda balse joojisay tii lagu caawin jiray dadkii danyarta ahaa ee laga siin lahaa jaamacadaha dalka. Waxaana la joojiyay xiligii ay marwo Samsam ahayd wasiirka waxbarashada.unnamed

Maamul goboleedyadii ayaa helaya deeqo waxbarsho ee mee saamigii ardayda Somaliland.  Waxa waaliduuntu sanad walba ka iibsadaan xafiiska imtixaanaadka deeqo loogu sheego in ay wakiil uga yihiin dawladda Somalia.

Sanad walba waxa la inagu caawiyaa deeqo waxbarasho  oo la siiyo ardayda Somaliland. Inkastoo deeqahaasi u badanyihiin dhinaca Somalia maadaama oo aan wali la ina ictiraafin balse waxaynu helnaa tiro kooban oo waxbarasha ah.

Waalidiinta ayaa kuu sheegaya in ay u iibiyeen caruurtooda scholarshipyo ay xaq u lahaayeen markii ay meel ay u maraan waayeen xaquuqdii ay  lahaayeen.

Haba la iibsado inta badan laakiin may ka qayb galiyaan ardaydii ugu fiicnayd ee kaaalmaha sare ka galay dalka. Waa mustaqbalkii beri balse waxa kala xoog waynaaday adduunka kooban ee maalmo kooban ku dhammaanaya.

Sanadkan oo ay dawladaha Sudan, Masar, Ethopia, Turkiga iyo Malaysia ayuu dalkeenu ka helay 5O full scholarship ah iyo 30 half scholarship ah. Markii hore dalka waxa la keeni jiray scholarships iib ah oo niman dilaaliin ay dawladaha ka soo qaadaan balse laga iibi jirin ardayda Somaliland.

Qiimaha lakala siisan jiray wuxuu ahaan jiray inta u dhaxaysa $3000 ilaa $7000 oo dollar oo ay waalidiinta iskuuladeena Somaliland kaga iibsan jireen nimanka magaca Somalia kusoo maxaafsada.

Haddaba 80 scholarship ayaa lagu soo hagaajiyay xafiiska imtixaanaadka qaranka oo ay u doodeen aqoonyahan dalka dibadiisa ku nool. Nasiib daradose waxay tahay in si hoos hoos ah looga iibinayo dugsiyo gaar ah iyo dadka tahli kara iibka boosaska.

Ardaydii dadaalka badan muujiyay ayaa laga afmeeray iyagoo aan haba yaraatee la siin xaqii iyo xuquudii ay lahaayeen.

Arintan ayaa ah mid caqabad ku noqonaysaa dadaalkii iyo waxbarashadii ay ardayleen oo ay tahriibka lagu yarayn lahaa………..

W/Q: Abdifatah Muse Jamac (xanaano)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here