Xarunta Cadaalada Iyo Xuquuqda Aadamaha Oo Cambaaraysay Xadhiga Mulkiilaha Astaan Cable

0

Taariikhdu markii ay ahayd, 17 July 2020, xukuumada JSL, waxa ay xidhay Cabdi-manaan Yuusuf Maxamed oo ah mulkiilaha guud ee Astaan Cable. Maamulka Astaan Cable ee JSL ayaa 23 July 2020, soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaaraynayaan xadhiga mulkiilaha, sidoo kalena ay ku sheegeen in ay u arkaan mid sharci darro ah oo aan waafaqsanyn dastuurka iyo shuruucda dalka. Maamulka iyo shaqaalaha Tv-gu waxa ay sidoo kale, dareenkooda ku cabireen warbaahinta maxaliga ah sida ay uga xun yihiin xadhiga mulkiilaha guud ee Astaan Cable.

Waxa 05 August 2020, warbaahinta la hadlay, Mubarig Maxamuud Falaag, oo ka mid ah qareenada difaaca ee Cabdi-manaan waxa uu sheegay in mulkiiluhu uu muddo ku xidhnaa meel aan la garanayn. Qareenku waxa uu intaas ku daray in 01 Aug 2020 (sabti), maxkamada la horkeenay; balse ay Booliiska iyo Xafiiska Xeer-Ilaalinta Qaranku ay dalbadeen 7 maalmood oo baadhis dheeraad ah (remand) ka dib markii garsoorku ka aqbalayna ay 05 Aug 2020, dib ugu soo celiyeen iyaga oo mar kale dalbaday 7 maalmood oo kale oo baadhis ah; taas oo uu qareenku ku tilmaamay mid sharci darro ah. Ma jirto weli eed rasmi ah oo laga soo gudbiyay, waxa aanay taasi dib u dhigtay in damaanad sharci ah lagu sii daayo mulkiilaha, sida uu qareenku sheegay.

Sidaas awgeed; Xarunta Cadaalada iyo Xuquuqal Aadamuhu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga mulkiilaha guud ee Astaan Cable Cabdi-manaan Yuusuf Maxamed iyo dib u dhaca aan sharciga waafaqsanayn ee dhegaysiga dacwadiisa, waxa aanay Xaruntu ku baaqaysaa in xoriyadiisa loogu soo celiyo si deg-deg ah oo bilaa shuruuda. Hadii ay jiraan eedo rasmi ah oo loo haystana uu helo fadhi furan oo cadaalad ah iyo dhegaysi dacwadeed oo aan dib u dhac lahayn, iyada oo loo ogolaanayo dhamaan difaaciisa oo dhamaystiran si waafaqsan, dastuurka, shuruucda caalamiga ah iyo kuwa gobolka(qaarada) ee xuquuqal aadamaha.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here