Wiilkii Lagu Xidhay Dirayska Ciidamada Ee Uu Ku Labistay Oo La Soo Daayay

0
572

Faysal Sugaal oo dhawaan lagu xidhay Magaaladda Hargeysa ayaa goor dhaweyd dib u helay xorriyadiisa.

Faysal oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in uu iminka banaanka joogo isla markaana la soo daayay.

In kasta oo aanu ka hadal sababta loo xidhay, hadana waxa si weyn la isula dhex marayay in xadhigiisa uu ka danbeeyay ka dib markii uu ku labistay dirayska u gaarka ah ciidamada qaranka Somaliland.

Dhinaca kale wararka xadhigiisa la xidhiidha ayaa iyaguna sheegayay in uu dhaleecayn ujeediyay xukuumadda talada haysa isla markaana uu soo bandhigay qaabka ay ku sii dhisnaan karto Somaliland isaga oo isticmaalay weedho ay ka mid yihiin, Somaliland la wada leeyahay.

Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa intii u danbaysay uu dulqaadkeedu aad u yaraa, waxaana jira dad badan oo xabsiyadda loo taxaabay kuwaas oo falal kala gedisan lagu xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here