Wiilkii Gaashaamo Ku Dilay Gorgorkii Bahaloobay Oo Geel Loo Siinayo Abaal Marin

0

Waxaan daba socdey geelayaga, waxaan maqley guux iyo sanqadh weyn. 
Dabadeed si dhakhsi ahbaan geed hoostii u galey, cabbaar kaddib ayaan geedkii kasoo baxey, haddana waxaan isha qac ku sii bahalkii oo si degdeg ahbaan ugu laabtey geedkii.
Qiyaastii shan goor markaan geedka ka hoos galey, ee aan haddana kasoo baxo markaan waayay ayaanu ugu danbayntii barxad bannaan iska helnay.

Wuxuu usoo duuley dhankayga isagoo labadiisa baal laabtey, jeenyihiisa iyo afkiisana soo dhuubey oo iska soo horreysiiyay, xawaare degdeg ahna ku duulaya.

Labadeyda gacmood baan ka buuxsadey dhabbigii, dabadeed waan u taagey intaan isula gaabiyay, labadiisii baal mid ka mid ah ayaan kala helay oo nasiib wanaag mid ka mid ah wey jabtey.

Dhulka markuu u dhacey baan la dul taggey budkii, isagoo dhaawaw ah ayuu kolba isku dayaa inuu igu soo boodo oo uu i sigaa kolba.

Ugu danbeyntii waxaan budkii la dhacaba wuu dhintay.

Wiilkii hadda waxuu ku suganyahey degmadda oo dadka deegaanka ayaa xoolo u ururinaya, sidoo kalena waxaa la sheegayaa in ganacsatada qaar ugu ballaan qaadeen geel inay siinayaan.

Hooyadii uu shimbirkani wiilkeeda cuney maaalintii hore oo hore u aragtay,
Saaka markii la tusay bakhtiga bahalkan waxey tidhi waa laftarkiisii.

Sidoo kale maanta lama maqal wax war ah oo sheegaya bahal wax weerarey, sidaas daraadeed kan la diley waa kii wax dili jiray.

Bahalkani waxa uu noqdey shimbirka loo yaqaanno:Baqayo oo ah Bah-galeydh..

Bakhtigii bahalka ciyaalkii magaaladda ayaa jiid jiidaya badhtamaha degmadda.

Ka:Jaalle Saahid Faray
Allihii joogaybaa jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here