WFP Oo Ku Guulaysatay Billada Nabada Adduunka

0

Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada.

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay “sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac”.

Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m).

Guulaystaha 101aad ee ku guuleysata abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd “daqiiqado lagu faano”.

WFP waxay ku qiyaastay inay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here