Weli Ma Aragtay Geerash Wareegga

0
227

Haddii uu gaadhigu kaa xumaado oo uu kaa Istaago Meel cidlo ah, way adag tahay in aad la hadasho qof aad ugu xeel dheer samaynta baabuurta, sababta oo ah kharashka ayaa kugu sii badanaya.

Geerashkan ayaa isugu jira dhinaca dabka iyo farsamooyinka kale ee uu u baahdo in laga qabto baabuurka markaasi ay soo wajahdo cilladu, waxaanu noqonayaa Geerashkii ugu horeeyay ee wareegga ee laga hir geliyo dalka Congo.xaalku wuu ka duwan yahay  Waqooyi Bari wadanka Congo, nin dhalinyaro ah ayaa samaystay geerash uu farsamo yaqaan ka yahay oo wareegga isla markaana kuugu iman kara meeshii aad doonto.

in kasta oo ay jirto qiimo ka yar kii caadiga ahaa oo ay dadku ku baayacaan marka uu ugu tago halka ay doonayaan in loogu adeego, hadana waxa uu sheegay in aanay taasi ahayn mid ka hor joogsanaysa in uu sii wado hawshan.

dadka deegaanka ayaa si weyn u faaleeyay ninkan yar ee la yimid waxa ku cusub wadanka Congo, waxaanay ku tilmaameen in ay tahay shaqo aad u wanaagsan una baahan in lagu dhiiri geliyo.

dirawalada gaadiidka kala duwan ee wadankaasi isla markaana degan deegaanka uu geerashka wareegaa ka hawl galo ayaa soo dhaweeyay shaqadan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here