“Way Idamaqdaa In Aan Keligay Wax Ka Bartay Qoyskayaga

0

Waa waqti barqo ah. Qiyaas ahaan waa 2008dii bilowgeedii. Waxa lagu jiray gu’ roobkii curtay. Waa xilligii beeraha la qodan jiray. Sida caadiga ah SACO aannu cuntada ku caddaysanno ayaan eegi jiray; se maalintan AABBAHAY oo beerta qodaya ayaan Dibi u sanwaday! Nin shaadh cad oo muunad & xarrago ka muuqato ayaa dhinaca xaafadda nooga soo muuqday! Siduu u soo socday ayuu noo yimid. Aabbahay ayay isasalaameen. Waan daallanaa oo daal baan dareemayay. Ninkii ayaa Aabbahay ku yidhi: ‘ Rashiidoow, Ilmahan maxaad u tahay?” Aabbo ayaa yidhi: ” Anigaa dhalay.” Markaasuu yidhi: ” Waxba ma barto miyaa?!” Aabbahay, ninkii wuxuu u sheegay inaan saco yar eego, waxbana aanan baran. Ugu dambayn wuu iska dhaqaaqay! Xaggaa iyo beer naga horraysa ayuu u dhaqaaqay.

Markuu tagay ayaan Aabbahay ku idhi: ” Waa ayo ninkani, Aabbo?” Aabbahay ayaa yidhi: ” Waa ina Hebel Hebel. Wuxuu ka yimid Jigjiga. Annaga oo yar ayuu tagay. Waa nin waxbartay oo Jaamacado ayuu ka baxay! Isaga oo yar ayaa la kexeeyay oo waxbarasho lagu daray.” Hadalkaas waxbuu bartay ayaa aad ii taabatay. Aabbahay ayaan ku idhi: ” Anna aabbo wax ma bartaa?!’ ‘ Aabbahay rejo ayuu lahaa oo wuxuu igu yidhi: ” Waxbaad baran doontaa Aabbo markaad waynaato!”

Sidii baan xoolaha u eegi jiray. Baylahda xaafaddana u qaban jiray. Muddo laga joogo 11 sano ka hor ayaan dhigay Ushii aan xoolaha ku raaci jiray. Miyi iyo meel qarfo ah oo aan ku dhashay ayaan ka imid. Waxbarasho ayaan bilaabay. 11kaas sano qalin ayaan sitay.

Shalay aroortii ayaa Boorama, Saw Hotel na loogu qabtay munaasabad lagu xusayo dhammaystirka Digreega Koowaad, Jaamacadda Beder, faraceeda Boorama. Ardeyda halkaa lagu muuneeyay ayaan ka mid ahaa. Ka Sandheere ahaan, waxaa ii dhammaatay Labada Degree ee aan wado MID ahaan, oo ah Jaamacadda Beder.

Jaamacaddan ii dhammaatay aniga ayaa waalid, iyo walaal ba isku ahaa. Waqti badan, hanti badan, dadaal badan, iyo ka go’naan badan oo aan keli ku ahaa ayaan ku waday. Waxa aan dhinac waday Jaamacadda Cammuud oo aan iyadu weli ii dhammaan, sannadna ii hadhay.

Ehelkeyga dhaw, waxa aan ahay qofkii ugu horreeyay ee Jaamacad gaadha, ama dhammeeyaba! Mar waa ii farxad, oo dadaal aan muddo waday ayaa ii dhammaaday. Marna waa ii murugo & welwel oo walaalahay waxba ma bartaan aniga mooyee! Aniga ayaa fursad & meel u helay waxbarasho. Walaalahay oo aan anigu curad u ahay waxba ma bartaan! Runtii aad baan uga xumahay in aniguna aan jaamacad sii dhammaynayo, iyaguna ayna waxbarasho gelin! Sannadihii u danbeeyay illaa maanta werwer, walbahaar, iyo xanuun ayay igu haysay in walaallahay ayna waxba baran! Waqtiga ugu badan iyaga ayaan ka fekeraa. Welina ka fekerayaa! Waxba kama hagran, se ardey ayaan ahaa, oo anigaaba wax u baahnaa! Aad bay ii xanuujinaysaa inaan keliday qoys dhan wax ka bartaa!

Xasuusuhu inka badan inta ay yihiin feker in ka badan waa qadhaadh & isciilkaambi!

Wanaag badan ayaan Allaha i uumay ka rejaynayaa.

Cabdirasaaq Sandheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here