Waxyaabihii Ku Cusbaa Ciyaaraha Gobolada “Garsoore La Dabaal Degay Xulka Gobolka Uu Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeedo”

0

Tartanka Isreeb-reebka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ayaa si habsami ah uga kala socda Magaalooyinka Burco iyo Boorama.

hqdefault
In kasta oo magaaladda Burco aanay wax dhibaato ahi ka dhicin, hadana Magaalada Boorama waxa ku dhintay Hal qof ka dib markii ay shalay is khilaafeen labada xul ee Gabiley iyo salal oo shalay ciyaar xiiso badan barbaro ku galay.
Sidoo kale guriga Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa hiirtii waabari ee shalay lagu soo weeraray guriga uu ka degan yahay Magaaladaasi, waxaana la dilay laba ka mid ah ilaaladiisii.
Sidoo kale taageereyaasha xulka Gobolka Awdal ayaa iyaguna shiid hadhka ka dhigay ciyaaryahanada gobolka hawd oo ay iskaga horyimaadeen ciyaartii furitaanka.
Badhasaabada labada gobo lee Hawd iyo Awdal ayaa iyaguna gacmaha isula tagay, ka dib markii ay la soo kala safteen labadooda gobol oo ay ciyaartii dhex martay xiisadooda cirka ku shareertay.
Mid ka mid ah garsooreyaashii dhexdhexaadinayay Kulankii Gobolada Hawd iyo Awdal, ahaana calan wadaha saddexaad ayaa la dabaal degay xulka Gobolka Awdal oo gool ka dhaliyay xulka Gobolka Hawd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here