“Waxaanu Soo Helnay Guryo Dawladeed Oo Aanay Cidina Lahayn…”Wasiirka Hawla Guud

0
118

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dhulka Danta Guud iyo Guryaha ay dawladdu leedahay ee uu muranku ka dhasho lahaanshahooda ay ka codsadeen Maxakamadaha Dalku in aanay ka garnaqin, hasayeeshee lagu soo wareejiyo Dacwadahooda Wasaaradda Hawlaha Guud.

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo maanta hor tagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhinaca kale cadeeyay in ay diiwaan geliyeen hantida Dawladda.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aanu doonaynaa in aanay maxkamadu dhul Dawladeed iyo dan guud ka garnaqin ee ay anaga noo daayaan, Guddoomiyaha Maxkamada sare shaqo wanaagsan iyo balanqaad wanaagsana waanu ka haysanaa in aanay ka gar qaadin.

Meel ay dawladi leedahay oo aanaan diiwaan gelinina ma jirto ama dhul banaan ha ahaato ama meel dhisan ha ahaatee, waxa aanu  soo helnay dhul Hargeysa ku yaala Oo Baraf lagu kaydiyo oo ay Dawladii Siyaad Barre Samaysay, balse aan wax war ah loo haynin.

Waxa aanu soo helnay Guryihii Maacuunka ee dawladii hore ay lahayd oo aan cidnaba u diiwaan gashanayn” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here