“Waxaan Ahay Murashax Golaha Wakiilada Somaliland” Suhuur Xasan Abiib

0
394

Ambassador  Suhuur Hassan Abiibi ayaa waxa ay Shaacisay in Ay U Sharaxantahay xildhibaanimadda golaha wakiiladda somaliland ee gobolka maroodi jeex Doorashadda 2019ka ee Fooda inagu soo haysa.


“Waxaan Halkan ka hambalyaynayaa Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi oo noqday madaxwaynaha kaliya ee ku dhiiradda waxa ay haweenka somaliland xaq u leeyihiin kaas oo kooto ugu xidhay in xisbi waliba haweenka siiyo xildhibaano markaas aniga oo ka faa’idaysana wakhtigan hadda waxaan u taaganahay xildhibaanadda golaha wakiilada ee doorashadda soo socota,waxaanan  iska sharaxi doonaa gobolka maroodi jeex si aan Xaqa haweenka ugu doodo.
Marwo Suhuur oo hadda ku sugan dalka canada ayaa sheegay in ay hambalyo iyo bogaadin hawadda u marinayso madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland Mudane Muuse biixi cabdi oo kooto haweenka ugu xidhay in xisbi waliba siiyo xildhibaano.

Marwo Suhuur ayaa inta badan ah haweenka dadaalka galiya in ay dunida ka dhaadhiciyaan in ay somaliland tahay dal madax banaan oo somaliya ka go’ay isla markaasina goobaha caalamiga ah ku soo bandhigay qadiyadda madax banaanida somaliland,waxaana hadda u taagan tahay xildhibaanimo, Suhuur Xisbiga Waddani waxa ay ka soo qabatay xilka safiirka wareeg ee xisbiga waddani u qaabilsan waddamadda dibada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here