Wax ka ogow noocyada kala duwan ee talaalada lagula dagaalamo COVID19.

0

Tan iyo sidii uu u bilaabmay cuddurkan safmareenka noqday ee saameeya habdhiska neef mareenka loona yaqaan koofidh 19 waxa dunidu ay dedaalo dheeraad ah u gashay sidii loo yarayn lahaa, loo daaweyn lahaa amaba looga hortagi lahaa xannuunkan saameeyay guud ahaanba dunida sababayna dhimashada in ka badan laba milyan iyo badh oo qof .

xannuunkan sadha baahday ah baa haatan sannad jirsaday marka aynu eegayno taariikhda markii ugu horaysay ee la helay kiiskii ugu horeeyay guud ahaanab geeska afrika.
Haddaba, intii xannuunkani socday ee uu isagu dadka laynayay ayaa waxa barbar socday dedaalo lagu soo saarayo talaalo lagaga hortagi karo laguna yarayn karo khatartiisa.
Talaaladan ayaa u muuqda qaar ka duwan hanaanka loo diyaarinayo kuwii hore kadib markii dhamaanba dunida hay’adahooga waaweyn ee caafimaadka iyo daawooyinku u wada jeedsadeen sidii ay culayska u saari lahaayeen soo daarista talaal waxtar leh waqti yar oo koobaan guddihii.
Shirkadaha kala duwan ee talaalka ayaa is kaashaday guud ahaan, tan oo ka dhigaysa mid kamid ah markii ugu horaysay taariikhda ee midowga shirkadaha daawooyinka sameeyaa si wada jir ah hawl u wada qabteen.
Waxa kale oo intii hawshani jirtay dhacday in dhamaanba shirkadihii waaweynaa ay taageereen shirkado yaryar oo si degdeg ah iyagu u hirgaliyay talaalkan ikhtiraacidiisa waxaana kamid ah shirkadda yare e bioNtech oo ay gacan siinayso PFIZER.
Sida oo kale waxa iyaguna iskaashi dhex maray white house, merck and co si ay u suurogaliyaan samaysanka iyo dhamaystiranka talaalka JOHNSON AND JOHNSON corona virus vaccine.
Haddaba, ilaa hadda waxa la soo saaray ku dhawaadba tiro 4 talaal ah, halka kuwo kalena ay kusoo jiraan jidka. Talaaladan lasoo saaray ayaa ku kala duwan dhawr qoddob oo muhiim u ah isticmaalkooga iyo sababta dadweynaha dunidu u kala doorbidayaa. Waxa iyaduna aanu shaki ku jirin in talaalkani markii lasoo saarayba uu kala kulmay dadyaw fara badan oo dunida ku nool dacaayado iyo faquuqis.
Sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya ayaa waxa ugu weyn arrimo siyaasadeed, dhaqaale iyo tartan waxsoosaar.
Kan ayaa ah shayga ugu weyn ee talaalada qaarkood wax looga sheegayo. Tusaale ahaan talaalka laga soo saaray boqortooyada ingiriiska ee AZRAZENECA ee ay farsamaysay jaamacadda OXFORD ayaa waxa uu la kulmay markii dhaliilo waaweyn oo qaarkood aad arkayso inay yihiin kuwo siyaasad iyo dhaqaale hagayo.
Sababaha ugu waaweyn ee talaalkan dagaalka loogu qaaday ayaa ah inuu yahay kani ugu jaban guud ahaanba 4 talaal ee hadda la isticmaalo, kaasi in ka badan 300 oo milyan oo qof ay ilaa hadda qaateen ayaa waxa uu cidhiidhi galiyay dhamaanba talaalada kale oo qaarkood marayaan hal dose in la qaato qaarkoodna aan license buuxa wali ayna helin.
Isku soo wada duuboo dacaayadaha ku socda talaalka aztrezeneca-oxford ayaa ah qaar aan badankoogu cuskanayn qaaciido iyo baadhis sayniseed oo culus. Waxyaalaha qudhaata ee culayska lagu saarayo ayaa ah in 30 qof oo kamid ah 300 da ee miilion ee qof ee talaalkan qaatay in 30 kamid ah dhiigoogu xinjiro yeeshay, halka laba qof oo kamid ahna uu ku sababay waxa loo yaqaan TRANSVERSE MYELITIS oo ah in qayb kamid ah dareen wadka jidhku shaqayn waayaan.
Isku soo wada duuboo waxa cad in ilaa tirade dhibtu soo gaadhay taay waxyar.
inkasta oo ay hakiyeen ku dhawaad tirro ilaa 6 waddan oo reer yurub ah iyo hal waddan oo asia ahi , haddana marnaba hay’adda caafimaadka adduunka iyo tani yurub ma qabaan in gabi ahaanba la joojiyo isticmaalkiisa.
Dhanka kale, afhayeenka hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo manta ka hadlayay isla arrintan talaalka aztrazeneca ayaa yidhi “ waxaan soo jeedinaynaa in la qaato talaalka, baadhitaano ayaa socda waxaana jirta in dhibta ku dhacday 30 kaas qof aanay la xidhiidhin talaalka.
Talaalkan dacaayaddu ku socota ayaa ah kan ugu badqabka sarreeya marka loo eego seddexda talaal ee kale, kuwaasi oo halista daran ee ay keeneen ay kala tahay 50 kiis oo Pfizer ah, 21 kiis oo moderna ah iyo 2 kiis oo isaga ah.
Intaasi ka bacdi waxa aynu halkan ku eegi doonnaa noocyada talaalka ee ilaa hadda la soo saaray iyo kala duwaanshahooga kuwaasi oo ah 4 nooc.
1. PFIZER
Cidda soo saartay PFIZER, waxaana la ansixiyay horaantii December in la isticmaali karo.
Waxa uu ka ilaalin karaa qofku inuu xannuunka qaado 95%.
Waxa qofka la siinayaa laba dose oo ay u dhaxayso 3 week.
Sidda uu u shaqeeyo waa hiddo sidaha xogta qaada ee viruska oo la soo saaray, laguna mudayo qofka (MRNA).
Calaamadaha aan hagaagsanayn ee talaalkani leeyahay waa: madax xanuun, murqo xannuun, daal iyo qadhqadhyo.
Waxa la filayaa in lasoo saaro 50 million ilaa 1 billion iyo badh xabo.
Yaa qaadan kara? Qofkasta oo ka weyn 16 jir.
Dumarka uurka leh iyo kuwa jaqsiinayaaba waa inay qaataan hal dose.
Dadka difaacoogu hooseeyo iyo kuwa leh auto immune ka xannuunada loo yaqaan waa qaadan karaan.
Yaan qaadan Karin? Dadka allergieska ku ah talaalada iyo maadadan uu ka samaysan yahay lagulama talinayo inay qaataan.
Waxa ilaa hadda lasoo wariyay 50 qof oo si daran wax ugu noqday.
2. MODERNA
Waxa soo saaray shirkadda moderna.
Waxa uu la mid yahay samayska Pfizer.
Waxa la ansixiyay 18 december.
Waxa uu qofka difaaci karaa awood dhan 94.1%.
Waxa qofku qaadanayaa laba dose oo ay u dhaxayso 4 week.
Maxaa calaamado leeyahay aan wanaagsanayn marka la qaato? Qofku waxa uu yeelanayaa madax xannuun, murqo xannuun iyo xummad sii darnaata marka qofku qaadanayo dose ka labaad.
Ilaa 80 million oo xabo ayaa la rajaynayaa in lasoo saaro dhamaadka sannadkan.
Waxa la siin karaa qofkasta oo ka weyn 18 jir.
Dumarka uurka leh waala siin karaa iyada oo taxadar lagu darayo.
Dadka daciifka difaacoogu yahay haddii aanay jirin waxkale waa la siin karaa.
Waxa ilaa hadda laga soo wariyay 21 qof oo si daran wax ugu noqday.
3. Aztrazeneca
Waxa soo saartay jaamacadda oxford oo kaashanaysa Aztrazeneca.
Waxa uu ka samaysan yahay viruska oo la qaboojiyay.
Waxa la ansixiyay horaantii December.
Waxa uu qofku difaaci karaa 70%
Waxa qofka la siinayaa laba dose oo ay u dhaxayso muddo bil ah.
Calaamadaha qofku yeelanayo markuu qaato waa madax xannuun, xumad, murqo xannuun iyo garaac meesha irbadda qofka laga siiyo.
Ilaa 3 billion oo xabo ayaa la rajaynayaa in Ia soo saaro dhamaadka sannadkan.
Da’da saxda ah ee la siin karo siiba carruurta wali xogsugan lagama hayo.
In dumarka uurka leh lasiin karo wali xog lagama hayo sugan iyo badqabka.
Lama hubo qofka allergy ga leh inuu qaadan karo iyo in kale.
Halista ugu badan waxa lagu warinayaa laba qof oo uu ku dhacay shaqayn waa qaybo kamid ah hab dhiska dareen wadka.
4. JOHNSON AND JOHNSON
Talaalkan ayaa isagu wali cusub lana ansixiyay 27 feb, wali xoggo badan oo sugan lagama hayo. Waxa ilaa hadda la ogsoon yahay in maraykanka laga isticmaalay awoodiisa difaacna u dhaxayso 60-70%.
Haddaba, inkasta oo walaac badan laga fidinayo qaadashada talaalka ayaa haddana wali waxa la isku raacsan yahay in la qaataa inay daruuri tahay. Waxaana ilaa hadda talaalada loogu aaminsan yahay seddexda taal ee hore kaasi oo uu wali ugu sii xoogan yahay kani waddanka ingiriisku sameeyay ee AZTREZENECA-OXFORD COVID19 VACCINE.
Gabogabadii, waxa muhiim ah in dadka ay ugu horeeyaan shaqaalaha caafimaadka, askarta, macalimiinta, dadka da’da ah, kuwa xannuunada la nool la horaysiiyo. Waxaana muhiim ah in la sameeyo sida oo kale la socod iyo korjoogtayn cid walba oo la siiyo talaalkan si aynu ula socono wixii kasoo cusboonaada dadka qaata talaalkan.

W/Q: DR.

Mohamed Biihi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here