“Wax Aanaan Arkayn Baa Adhigayaga Gawracaya” Qoys Soomaali ah

0

Qoys ku nool meel ku dhow deegaanka Yoonbays oo 100km u jirta magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, ayaa la kulmay arrin la yaab leh oo argagax ku abuurtay.

Reerkan oo ah xoolo dhaqato  Sida ay sheegeen, wax aan la arki karin ayaa bireynaya adhigooda, gaar ahaan waxaraha yaryar, mana garanayaan cidda waxaas sameyneysa. waxarahan ayaa qaar ka mid ah waxaa laga jaray dhegaha, naasaha iyo lugaha.

Cabdiwali Faarax Warsame oo ah aabaha qoyskaas ayaa BBC Somali u sheegay in dhacdadaas ay reerka la kulmayeen muddo shan maalmood ah.

“Adhigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaana bireynaya,  Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa ku daray in “la soo qaado neefka oo bireysan, la geeyo guriga ama qeyb ka mid ah la soo gooyo oo loogu geeyo gurigooda.”

“Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.”

Cabdiwali wuxuu BBC Somali u sheegay in shalay ay seddax neef sidaa noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale.

“Adhigaa birtu ku billaabatay wuu badnaa, neefkii ugu dambeeyay hadda ayaan dul taaganahay,” ayuu ku sheegay wareysiga uu siiyay BBC.

“Ma aanu maqal dhacdadan oo kale cid ay horey ugu dhacday, horeyna umaynaan arag, wax sheegayana ma jiraan”, ayuu yiri Cabdiwali.

“Wax aan ognahay oo cillad ah ma jirto, waan baarnay waana waynay. Ma ogin wax sabab ah oo kallifaya in sidan wax noqdaan”, ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here