Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Kulmiye Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Dab Damiska Hargeysa

0

Wasiirada  Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan (Cali Mareexaan) Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada Khadra Xaaji Geydh Ayaa Saaka Booqday Xarunta Dab Damiska Ee Magaaladda Hargeysa. index

Ugu horaynba waxaa madaxdaasi ku soo dhaweeyay xarunta ciidanka dab_demiska Agaasimaha guud ee ciidanka dab_demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyo saraakhiisha ciidanka iyo dhamaan maamulka ciidanka dabdemiska qaranka waxaana waftigaas uu ka mahadnaqay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay xarunta.

Waxaana waftigu kormeer indho indhayna ku soo mareen xarunta guud ee ciidanka oo ah xaruun aad u bilic badan isla markaasna aad looga shaqeeyay iyagoo waftigu ka garaabay waxqabadka baaxada leh ee ka socda ciidanka dabdemiska qaranka.

 Sidoo kale waxaa warbixino ka siiyay halka ay hawlha ciidanka dab_demiska qaranku marayaan agaasinka guud ee ciidanka iyo dhamaan hawl wadeenada kale iyagoo waftigaasi si wanaagsan ugu qancay hawsha culus ee ciidanka dab_demisku u hayo qaranka.

Ugu dambayn kormeerkas ayaa si wanaagsan ku dhamaaday iyadoo maalmahan u dambaysayba soo badanayeen kormeerada kala duwan ee xukuumadu ku imanaysay xarunta ciidanka dab_demiska qaranka kadib markii la arkay hawsha culus ee qaranka ay u hayaan iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan horumarka waddanka.

Madaxa warbaahinta ciidanka dab_demiska qaranka JSL.

Hargeysa/somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here