Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Oo Ka Badbaaday Shil Baabuur

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ku sii jeeday Magaaladda Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd ayaa ka badbaaday shil baabuur oo ka dhacay Duleedka Degmadda Bali-mataan.

Wasiirka iyo xubno la socday ayaa ka badbaaday shilkaasi baabuur, waxaana uu sheegay wasiirku in uu caafimaad qabo.

Ujeedada safarkan wasiirku uu ku marayo deegaanadaasi ayaa ah mid salka ku haya sidii loo soo suggi lahaa hantida qaranka.

Cabdirashiid Ducaale iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa sii watay safarkoodan, hasayeeshee baabuurkii ay la socdeen ayaa halkaasi ku burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here