Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hadlay Safar uu Jigjiga Ku Tagay

0

 

Waxa noo soo gabogaboobay Safarkii iyo Martiqaadkii aanu ka helnay Maamulka Dawlada Deegaanka Somalida. Safarkan oo ahaa mid aanu kaga soo qayb galnay shirar iyo aqoon is waydaarsi labada dhinaca. Waxaan kulan balaasdhan la qaadanay Madexweynaha Mudane Mustafe Cagjar oo aanu runtii ka wada hadalnay dhanka Arimaha bulshada.

Waxa aanu kulmo la qaadnay khubarada arimaha biyaha ee Wasaarda Horumarinta biyaha oo hormuud ka ahaa Wasiirka wasaardaas. Waxa aanu waayo-aragnimo iyo khibarado dhanka soosaarka biyaha aanu kala qaadanay maamulkii. Waxaanu booqoshooyin ku tagnay dhaamam, Biyo xidheeno, iyo Ceelal shaqooyin ku socdan.

Waxaan sidoo kale booqoshooyin ku tagnay iyo kormeero jamacadaha magaalada Jiga jiga. Gaar ahaan Jaamacada weyn ee (Jigjiga University College) oo ay dhigtaan Arday badan oo muwaadiniin reer Somaliland. Waxa aanu kulmo gaara la qaadanay Ardaydii reer Somaliland ee Meesha ku sugnayd waxna ka waranaysay, oo aanu is xog wareysi iyo arimo badan oo dhanka Mashariicda Biyaha uga waranay iyo sidoo kale doorka ay ka qaadan lahaayeen. Aqoon ahaan ugu adeegi lahaayeen qaranka.

Waxaanu ku suganayn mudo ku dhawaad Todobo bari ah, oo aanu joognay magaalada Jigajiga. anagoo koormeero ugu baxnay magaalooyinka hoos yimada. Mudadas aadka u qiimaha badanayd ee hawl u joognay si fiican bay noogu soo dhameystirmeen.

Waxaan aad ugu mahad naqayaa Madexweynaha oo si heer sare iyo Meqaam aad u fiican noogu soo dhaweeyey, sidoo kale Masuulinyiinta maamulka oo yaguna hanan qurux badan oo walaalnimo iyo jaarnimo iyo Saxiiibtinmoba leh noogu soo dhaweeyey. Waxan ka cudur daaranayaa in aanan Halkan ku soo koobi kari soo Masuulinyiintii sharafta lah ee aadka noo soo dhaweeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here