Wasiirka Biyaha iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Xildhibaan Bidhi

0

Hargeysa (Sagalnews) Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaah Burco Ibrahim Yuusuf Diire ayaa Shahaado Sharaf ku maamuusay Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamida Xidhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco.


Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi ayaa ka mid Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco waana Xildhibaanka keliya ee ugu saamaynta badan 21 Xildhibaan ee laga soo doortay Magaalada Burco, waxaana uu inta badan ka shaqeeyaa horumarka iyo adeegyada kala duwan ee magaalada burco ka socda isagoo xil weyn iska saaray sidii Gobolka Togdheer iyo Degmada Burcaba u noqon lahaayeen kuwo la jaan qaada Gobolada kale ee Somaliland.

Gudoonsiinta Shahaadadan ayaa ka dhacday Hotel Ramad ee Magaalada Burco halkaasi oo lagu qabtay Xaflad lagaga hadlaayey biyo balaadhinta Magaalada Burco, waxaana masuuliyiintii halkaasi ka hadashay dhamaantoodba ka marag kaceen hawlkarnimada sida wanaagsan ee uu xildhibaan Bidhi ula shaqeeyey Wakaalada Biyaha Burco Wasaarada Biyaha iyo Hayda’adaha Mashruucaas waday.
Isla Bishan Gudaheeda ayey ahayd markii Xildhibaanka Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Munaasibad ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo ay ku qalin jabinayeen Kumanaan Arday Ah oo ka baxday Laamaha kala duwan ee Jaamacada Golis ku Leedahay Gobolada Dalka, iyadoo munaasibadaasina laga xusay kaalinta muga weyn ee uu Xildhibaan Mubaarik ku leeyahay Horumarka Waxbarashada Gobolka Togdheer oo uu ku mutaystay Shahaado sharaf si weyn loogu maamuusay.
Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aad firin fircoon sida cad ceeda uga soo dhex baxay guud ahaanba Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee Dalka, mudo sanado kooban oo ay jireen Golayaasha Deegaanku waxaa uu noqday Xildhibaanka keliya ee horumarka iyo wax qabad la taaban karo ka sameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Ciyaaraha, Dhaqanka, iyo Adeegyo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here