Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Wixii Ay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Ka Wada Hadleen

0
555

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan magaaladda Addis ababa uu kula yeeshay wasiirka  Arrimaha dibada somaliland.

‘Wada Hadal rasmi ah oo aniga iyo wasiirka arrimaha dibada ee somaliland na dhex maray ma jiro, wada hadal rasmi ahina waa ka ku yimaada marka lagu soo diro.

laakiin arrin sidaas oo kale ah oo na dhex martay aniga iyo wasiirka arrimaha dibada ee somaliland ma jirto, laakiin waxa aanu ku kulanay Hotel Sharaton ee Magaaladda Addis ababa anaga oo saaxiibo kale oo soomaali ah la socona, markaa sida uu dhaqanka wanaagsan iyo soomaalinmaduba yahay aniga iyo wasiirku waanu isa salaanay, waanu iska sheekaysanay sida aanu soomaalida kaleba u wada sheekaysano.

waxa uu isna na xasuusiyay in ay wanaagsan tahay in soomaalinimada, wada dhalashada iyo wanaaga la ilaaliyo, colaaduna ay xun tahay” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here