Wasiirka Arrimaha Dibada Masar Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub Ee Ethiopia

0
106

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Masar Sameh Shoukry, ayaa waraaqaha Aqoonsiga Ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dawladda Ethiopia U Joogi Doonaa Qaahira Azanaw Tadesse.

Warkan oo lagu daabacay Warbaahinta Dalka Masar ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in wasiirka arrimaha Dibada ee Masar oo halkaasi ka hadlay uu sheegay in xidhiidhka labada wadan ee Ethiopia iyo Masar uu sii socon doono isla markaana ay ka wada shaqayn doonaan danaha labadaasi wadan.

waxa kale oo uu wasiirka arrimaha dibada Ee Masar uu cadeeyay in Safiirka Cusub ee Ethiopia u joogi doonaa Qaahira uu ka shaqayn doono isu soo dhaweynta labada wadan.

Gunaanadkiiina safiirka Ethiopia Ee Qaahir Azanaw Tadesse ayaa dhinaciisa cadeeyay in uu ka shaqayn doono xidhiidhka labada wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here