Wasiir Xirsi Oo Fariin U Diray Warbaahinta Madaxa Banaan ““Waxaan leeyahay halaga waantoobo wararka sida sallaanka kor loogu qaadayo qabyaaladda “

0

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa warbaahinta madaxa banaan uga digay baahinta wararka kala dilaya bulshada, isla markaana kor u soo qaadaya qabyaalada iyo kala qobqobnaanta dadka walaalaha ee wada dega Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir xirsi oo ka hadlayay munaasibad lagu maamuusay xubno ka tirsan Xukuumada ayaa yidhi

“Qabyaaladdu waa aafo Bulshadeena hadhaysay, ahna mid ka mid ah cudurrada qarankeena ku dhacay oo aan uga baqayo in uu waxyeeleeyo. Qabyaaladdu waxa ay dhibaato weyn ku haysaa isku duubnidii umaddani wax ku qabsan lahayd, wada jirkeedii iyo isku xidhnaanteedii. Aniga oo aan jeclayn in aan wax ka sheego Warbaahinta inteeda xirfadda leh haddana Waxaan jecelahay in aan ka hadlo waddooyinka ay qabyaaladdu raacdo in ay maanta ka mid tahay Warbaahinta oo noqotay mid ka mid ah agabka kobciya ee buunbuuniya qabyaaladda ee sallaanka u ah ee kor u qaada. Waxa aan leeyahay hala iska hubsado wararka aan xaqiiqada ku salaysnayn ee qabyaaladda kobciya. Waxa kale oo aan leeyahay dadka waxaasi qoraa haka waantoobaan wararka dadka ka been sheegaya ee qof aan dhib gaysan lagu xumaynayo ama wakhtiyada qaarkood habab qabyaaladeed madaxa isugu galinaya. Ilaahay SWT Qur’aankiisa kariimka ah waa uu ku naqdiyey kuwa munaafaqiinta ah ee wax walba sheegaya oo aan xaqiiqo ahayn. Sidoo kale Rasuulkeena Suubbani (SCW) isaga oo tilmaamaya dhibaatada ah leedahay hadalka aan la hubsan ee la iska faafiyo waxa uu innoo sheegay in qofka Muslimka ah shar ay ugu filan tahay in uu faafiyo wax kasta oo uu maqlo” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
“Waxaan leeyahay halaga waantoobo wararka sida sallaanka kor loogu qaadayo qabyaaladda qaawan ee umadda kala kaxaynaysa. Waxaan si gaar ah ula hadlayaa warbaahinta nooc walba ama ha ahaadaan kuwa dawladda ama kuwa gaarka loo leeyahay. Aan umadda ka qabano kuwaasi oo aan la tacaalno. Warbaahinta waxaan ku dardaarayaa in aanay gogol u dhigin qabyaaladda. Waxa aynu u baahanahay in aan wixii wanaagsan ee samaha umaddu ku jirno kor u qaadno wixii umadda kala kaxaynaya ee aan qarankeena u wanaagsanayna aan ka waantowno oo hoos u dhigno”.
Wasiirka oo ka hadlayay in cidda qabyaaladda kicinaysa aanay ahayn oo kali ah saxaafadda ayaa yidhi: “Cidda qabyaaladda kor u qaadaysa ee maanta dhibtaa qabyaaladeed kicinaysa saxaafadda oo kali ah ma aha ee waxaan ognahay in ay ka qayb yihiin siyaasiyiinta oo adeegsada marka ay wax ku doonayaan. Waliba waxa isticmaala kuwa guul-darraystay. Ninka aan ugu baahnayn in uu qabiil ugu yeedho oo Tolaayeey yidhaahdaa waxba ugama baahna ku dhaqan qabyaaladeed. Ninkaase guul darraystay ayaa isticmaala oo ah ka aan isku kalsoonayn oo kashiisha ka werwerka qaba oo aan kalidii istaagin Karin. Waxaan leeyahay waar qabyaalad aan iska dayno oo dadka masuuliyiinta ahi haka daayaan umaddooda qabiilka gaar ahaan kuwa aan iskood u socon Karin ee faashilka ahi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here