Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Algeria Oo Libya Uga Digay In La Mid Noqoto Soomaaliya

0

Dowladda Algeria ayaa markale Soomaaliya u geftay, iyada oo wasiir ka tirsan xukuumadda dalkaasi uu tusaale xun u soo qaadatay, xilli uu ka hadlayey colaadda ka taagan dalka Liibiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Sabri Boukadoum oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegaya inuu dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya uga digay in dalkooda uu noqdo sida Soomaaliyada cusub oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sabri Boukadoum ayaa u muuqdo mid muujinaya in haatan xaaladda Liibiya ay ka wanaagsan tahay, tan Soomaaliya.

“Waxaan ka digeynaa in dagaal-wakiileedka uu Libya ka dhigo Soomaaliyada cusub,” ayuu wariyeyaasha u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Algeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here