Wasiir Ka Tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Cadeeyay In La Xidhay Madaxweynihii Hore

0
970

Wasiirka Adeegga shacabka ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Axmed Koore, ayaa sheegay in uu xidhan Yahay Madaxweynihii Hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa uu Axmed Koore cadeeyay in Dawladda Federaalka Ethiopia ay gacanta ku hayso Madaxweynihii hore isla markaana uu hadda ku sugan Yahay Magaaladda Addis Ababa.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Dawladda Federaalka Ethiopia ay qorshaynayso sidii ay madaxweyne Cusub ugu soo magacaabi lahayd Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo hadda ku jira Wakhti kala guur ah.

Axmed Koore oo waraysi siiyay hctv ayaa xusay dhinaca kale shaaciyay in wasiiradda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia looga yeedhay Addis Ababa, hasayeeshee ay ka diideen.

waxa uu intaasi ku daray in dawladda federaalka Ethiopia ay ku amartay Xukuumadda DDSI in ay la xidhiidhaan wasiirka warfaafinta ee Heer Federaal Axmed Shide.

Dhinaca kale Magaaladda Jigjiga ayaa xaaladeedu ay degan tahay, waxaana wararka ka imanayaa ay sheegayaan in ay weli amaanka gacanta ku hayaan Ciidamada Dawladda Federaalka Ethiopia.

Dhalinyaro is xil qaantay ayaa iyaguna bilaabay in ay nadiifiyaan Magaaladda Jigjiga, kuwaas oo isugu jira soomaali iyo qoomiyadaha kale ee halkaasi ku wada nool.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo u waramayay warbaahinta ayaa xusay in ay iskood isu soo abaabuleen isla markaana ay ka go’an tahay sidii ay u ilaashan lahaayeen nadaafada Magaaladooda.

Meheradaha Suuqa Jigjiga ayaa dib loo furay iyada oo geesta kalena xarumaha dawladdu ay badhkood shaqaynayaan.

Nolosha ayaa ilaa iminka si caadi ah u kala socota, mana jirto wax dhibaato ah oo laga soo sheegayo Magaaladda Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here