Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Muhiimadda Dhamaystirka Xeerka Saxaafadda

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa ka hadlay qabyada ku jirta Xeerka Saxaafadda Somaliland ee 2004 kaasoo uu tilmaamay gal-daloolooyinka ku jira iyo sida loogu baahan yahay in la qabyo-tiro.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay wada ogsoon yihiin goleyaasha Qaranku qabyada ku jirta kuna wada qanacsan yihiin in xeerka la dhammaystiro oo dalku uu yeesho xeer saxaafadeed aan qabyo lahayn.

Waxaanu sidaa ka sheegay Kulankan lagu gurfaynayay horumarinta warbaahinta Somaliland oo ay ka soo qayb galeen madaxda sare ee wasaarada warfaafinta, hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA, rug caddaaga mihnadda saxaafadda iyo daneeyaasha arrimaha warbaahinta.

“Xeerka saxaafadda qabyada ku jirtaa inay faro badan tahay qof kasta oo innaga mid ahi wuu qirayaa, ka sakow Ha’yadaha gacanta ku haya ee ku shaqeeya haddii ay noqdaan golaha wakiilada oo ah kuwii curiyey, haddii ay noqon lahayd golaha xukuumadda oo ah kuwii la sii mariyey, haddii ay noqon lahayd haayadaha garsoorka ee maxkamadda iyo xeer ilaalinta dhammaantood way dareemeen in ay qabyo ku jirto xeerka saxaafadda, xeerkeenan markii la sameenayey 2004-tii xeerkaasi gabigiisaba waxa isha lagu hayey oo kaliya waxay ahaayeen meheradaha saxaafada ee qoraalka amaba wargaysyada oo kaliya, Tv may jirin, Suxufiyiinta Internet-ku iyaguna may jirin, wuxuu ku jihaysan yahay wargaysyada, madbacado ka hadli mayo, suxufiga weriyaha ah iyo suxufiga tifatiraha ah kala garan maayo, ka idaacada iyo ka Tv-ga faraqa u dhexeeya iyo xaquuqaha iyo waajibaadka saaran sida ay kala yihiin, oo waajibaadkoodu kal culus yahay oo mararka qaar uu meelo ku kala duwanyihiin midna si buuxda uma sharaxayo,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Wasiirka Warfaafintu sida dastuurka Somaliland u damaanad qaaday ilaalinta Xorriyatul qawlka iyo waajibaad gudashada Saxaafadda waxaanu yidhi “Markaa aniga mabda’ dastuurkeenna iyo qarankeenna iyo dalkeenna aynu ku dhisan nahay waxa weeye waxa uu dhiiri gelinayaa xoriyatul qawlka, wuxuu dhiiri galinayaa madax banaanida saxaafadda, wuxuu dhiiri -gelinayaa xoriyaadka qofka inta aanu xoriyaadka dadka kale wax u dhimin, inta aanu dhaqanka iyo diinta wax u dhimayn, inta aanu shuruucada ku gafin, inta aanu shuruucda ku gafaynin waa la dhiiri gelinayaa iyo kii isaga qaban lahaa ee dadka ka qaban lahaa ee in aanu dadka ku gafin ee aanu caadafidiisa la soo toosin, oo aan qof iska maagin oo iska caayin, midna iska caashaqin ooaanu iska amaanin ee uu eego xuquuqda uu sharccigaasi faro in uu raaco.”

Wasiirku waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in ummadda wax dhaxal gal ah looga tago oo ummadda dhaqa oo sax ah oo aanay ku margan oo sharci u noqda warbaahinta oo dhan, waxaanu yidhi “Markaa waxaynu doonaynaa in xeerkaasi in badan baynu wadnay haatan dadkii wuu koray dhalinyaradiina waynu ka baxnay, waynu arkaynaa inaynu u baahanahay inaynu dadka wax uga tagno waxaanan uga tegaynaana waxa weeyi inaynu xeer wanaagasan uga tagno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here