Wasaarad awood u leh inay Faqriga dabar jarto haddii qorshe loo sameeyo

0
180

Qofka hal abuurka ahi boos kasta oo la geeya isaga macno u sameeya,isla markaana qiimo aanu markii hore lahayn u sameeya,dadka qaar ma yaqaanaan sida wax cusub loogu soo kordhiyo booska la geeyo oo sidii loogu dhiibay baa lagaga qaadda isagoo wax isbedel ah ka samayn xiitaa haddii uu booskaasi ama jagadaasi ahaa mid saamayn leh oo macno balaadhan bulshada  u leh isaga ka qaadda qiimihii uu lahaa oo la seexda.

Qofka bani’aadanka waxa uu noolaha kale kaga duwan yahay inuu caqliga ka shaqaysiiyo oo uu maskaxdiisa maalo oo duruufaha noloshisa ku lamaan u fikiro sidii uu u xalin lahaa. Dadka saameynta leh ama isbedelka ku sameeya noloshoodda waxay leeyihiin laba shay oo kala ah inay hal abuur leeyihiin ama dhagaystaan talooyinka isbedelka leh iyo inuuu leeyahay go’aankii ama dhiiranaantii uu wax kaga qaban lahaa taladaasi   uu helay.

Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta waa wasaarad balaadhan laakiin dadku intooda badan waxay u arkaan wasaarad  bisha Ramadaan iyo masaajidadda uun xukunta, waxaad arkaysaa dad had iyo jeer yaraysta saameynta ay leedahay wasaaradaasi, sababtu wax kale maaha dadka joogo ayaan macno u samayn oo masaajid la furayo iyo maalinta bisha ramaadaan iyo ciidda uun la arkaa, taas ayey dadka dhaliilaa ka ficil qaateen.

Sidaan aaminsanahay wasaaradaasi haddii dad hal abuur leh ama mufakir ahi joogi lahaayeen waxay la meeqaam ahaan lahayd hadii aanay ka sareyseen-ba wasaarada Maaliyadda ama arrimaha gudaha oo ah wasaaradaha ugu waaweyn baaxad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Wasaaradda Diinta iyo Aw qaaftu waxay maamusha bulsho boqolkiiba boqol islaam ah, waxay maamusha meelaha bulshaddu ku xidhan tahay ee cibaadadda, waxaanu nahay bulsho diinta iyo sadaqadda bixinteedda ku fiican,waxay maamusha kumanaanka masaajid oo wadanka ku yaal oo imaamyadoodu ku xidhan tahay saameynta ay bulshadda ku dhex leeyihiin aanay jirin cid ku leh waayo shanta wakhtiba qof kasta wuxuu ku tukada masaajidka jaarkiisa dadkuna badankoodu masaajido ku xidhan yihiin, waxa hoos taga culimadda oo awood aan la dafiri Karin ku dhex leh bulshadda weedhoodana aad loo dhagaysto.

Sidee bay wasaaradani faqriga u dabar jari kartaa;

Haddii wasaaradda Diinta Iyo Aw qaafta samayso waaxda sadaqadda iyo Sakadda oo loo dhiibo wadaaddo bulshaddu ixtiraam iyo qadarin u hayso oo aan laga shakiyeen inay amaanadda loo dhiibo lunsadaan, waxay dabar jari lahaayeen faqriga. Tusaale ahaan xaafad walba waxa ku yaalla masaajid, haddii wasaarada ay hoos yimaadaan soo diyaarsato qorshe dadka foqoradda ah wax laga qaban karo muddo gaaban ayeynu gaajadda cidhib tiri lahayn. Xaafad wal oo masaajid ku yaalla waxa loo qoondeyn lahaa lacag Jimcaha laga ururiyo oo loogu tallogalay xaafadaha jaarka ah ee danyarta ah, waxa sidoo kale la diwaangalin lahaa masaajid walba qoysaska ku hareeraysan inta danyar ee la jaar ah. ka dibna bishii maalmaha Jimcaha oo kaliya ayaa dadka ku tukanaya lacago sadaqad ah oo dadka danyarta ee jaarka loogu tallogalay laga ururin lahaa, iyadoo  bulshada loo sheegayo in masaajid walba qadar go’an lagu xukumo masaajid walba si jaarkiisa inta aan dabka loo shidin loogu quudiyo, waxaana la samayn lahaa masaajid walba inta laga soo ururiyo in dadka foqoradda ah ganacsi loogu sameeyo si nolosha qoyskooda u dabarto.

Qorshaha labaad Ganacsatadda laga maalgaliyey masaajidka waxa sanadkiiba iyagana lagu xukumi lahaa Sakaddii ganacsigoodda ku waajibtay, qoys kasta oo ganacsi loo furo marka sanadkii sakaddii ku waajibtay wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta ka qaado waxa soo bixi lahaa lacag faro badan, waxaana shaqadaasi ama waaxdaasi ka hawlgali lahaa dhalinyaro shaqo loogu samayn lahaa.

Faa’iidadda ku jirta in qoysaskaasi ganacsi loo maalgaliyo iyo in ganacsigooda Sakadda looga qaaddo:

In lacagta laga ururinayo masaajidada qoysaska jaarkooda ganacsi loogu maalgalinaya waxay tahay haddii biil loogu dhigo dadkii way is dhiganayaan waxayna sugayaan uun in wax la siiyo, haseyeeshee marka meherad loo sameeyo qofkii isaga shaqaysanaya oo xooggiisa maalaya.

Qoysaskaasi wasaaraddu u maalgalisay ganacsiga waxa loo sheegaya in sanadka marka ay gaadhaan Sakaddii ku waajibtay ay u dhiibaan wasaaradda Aw Qaafta, waayo waxa la tusayaa in hantidan lagu maalgaliyey ay tahay hanti muslimiintii jaarkoodu ku caawiyey, sidaas darteed iyaguna waa inay Sakadoodda ku wareejiyaan muslimiin kale ee u baahan, waxaana meesha laga saarayaa ganacsataddii Sakadda reerahooda siin jirtey, wakhtigan aynu ku jirno Sakaddii waa la qabiileeyey, iyadoo jaarkaagu u baahan yahay ayaa masaafo ka fog cid aad isku dhow tihiin joogto u xawilaysa,  laakiin mar haddii ay dawladdu hawshan waddo waa in ganacsataddii ay maalgaliyeen tusaan in Sakadii ku waajibtay ganacsigoodda ku wareejinayaan wasaaradda Aw Qaafta, iyaduna ay u taalla cidda xaqa u leh ee ay siinayaan.

Ta labaad lacagta laga ururinayo masaajidadda boqolkiiba toban waxa loo dhigayaa masaajidka si loogu daboolo wixii kharash ah ee uu u baahan yahay, inta soo hadhayna bil walba lacagta laga ururiyo qoysaska jaarkiisa ah ee danyarta ah ee diiwaangashan ayaa bil walba ganacsi loogu maalgalin lahaa.

Lacagta ka soo baxday maalgashiga lagu sameeyey kumanaanka masaajid ee Somaliland ka dhisan waxa loo qorshayn lahaa in Miyiga iyo beeraha lagu maalgaliyo, haddii wasaaradda Diinta arrimahaasi fahanto oo ay dhaqaajiso waxa hubaal ah in wadankaba laga waayo foqoro ama qoysas fiqiir ah.

Qorshaha fogna waxay wasaaraddu u dajisan lahayd in marka la dabar gooyo fakhriga ay wasaaraddu samayso hay’ad lagu ururiyo Sakooyinka iyo sadaqadda oo noqota mid caalami ah oo dalalka caalamka gaadhsiiya caawimooyinkii ka yimid shacabka Somaliland gaadhsiiya dalalka dhibaatooyinka iyo faqrigu ka jiraan ee muslimiinta ah. waxaana noqon lahayn dalkii Afrikaanka ee ugu horeeyey ee wadamo kale caawimooyinka gaadhsiiya.

Dadka qaar baa laga yaabaa inay ku doodaan arrimahaasi wax dhici kara maaha, inay arrintaasi  fudud tahay waxa ku cadaynaya maalin dhoweyd oo Jimco ahayd waxaan ku tukanayey masaajid ku yaalla xaafada Jig jiga yar oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Cismaan, waxa masaajidka ka kacay wadaadkii Masaajidka oo dadkii ku tukanayey u sheegay inay masaajidka joogaan culimo ka yimid deegaanka Ceegaag ee gobolka Sool, kuwaas oo u yimid masaajid la doonayo in halkaasi laga dhiso oo lacagta ku baxaysa lagu qiyaasay afartan kun oo doolar, waxaanu sheegay in saddex masaajid u qaybiyeen lacagta ku baxaysa masaajidkaasi waxaana masaajidkii aan ku tukanayey lagu xukumay in laga doonayo 17,000 dollar (Toddobao iyo toban kun dolar), waxaana nusasaac gudihii lagu ururiyey lacag ka badan intii laga rabay oo ku dhow sodon kun oo dollar oo wadaadkii xidhiidhinayey waxa uu ku bilaabay yaa alla dartii kun dollar u bixinaya markiiba dad faro badan ayaa is qoray oo ku yaboohay, daqiiqado gudahood ayaa lacag faro badan lagu soo xareeyey alla dartii loo bixinayey. Sidoo kale maalin kale masaajid aan ku tukanayey waxa laga ururinayey lacag lagu dhisayo masaajid ku yaalla Yurub.

 waxaan is waydiiyey lacagtaasi masajidka loo ururinayo ee laga yaabo in masajidkan laga ururiyey xaafado u dhow in aanay saddexda wakhti hal wakhti helaan, waxay naftaydu is waydiisay masaajid la dhisayo iyo bani’aadan Gaajo u dhimanaya iyagama tallow khayr badan, caqliyadayda yar waxay ii sheegtay in nafta oo la badbaadiya ka wanaagsan tahay masajidkaasi hada la dhisayo, marka lacagtaasi masaajidka loo ururiyey hadii qoysaska ka ag dhow masaajidkan lacagta laga ururiyey lagu caawin lahaa qoysaska bakhtiyeya ayaa ka ajar iyo khayr badan masaajid la dhisayo, waxa laga yaabaa in dadkaasi lacagta bixinaya in aanu qofna  ka war hayn jaarkiisa waxay ku nool yihiin iyo nolosha ay ku jiraan, waxa jira boqolaal qoys oo maanta dabku u bakhtiisan yahay, halka laga yaabo guriga ku xiganna la daadiyo cuntadoodii markii cidi cuni wayday, sadaqaduna waxay ku fiican tahay inaad ka bilowdo jaarkaaga, mar hadii aanad jaarkaaga aanad ka war hayn noloshoodda siday tahay waxba ka ogayn sadaqo fog oo aad bixisa waxa ka fiican ta jaarkaaga oo aad ku bixiso.

Waxay ahayd in hadii lacag la ururinayo iyo hadii qaadhaan la bixinayo ay wasaaraddu la socoto ama la ogaysiiyo oo dawladda uga wakiil noqoto arrimahaasi qaadhaanka iyo sadaqada la bixinayo.

Guntii iyo gabogabadii wasaaraddu haddii ay siyaasad ay hawlahan oo dhan ku fulinayso dajiso waxa hubaal ah in dhalinyaro badan shaqo abuur u samayn lahayd, shacabkana ka saari lahayd faqriga wasaaraduna noqon lahayd mid balaadhan.

Sidoo kale, waxa iyana meeshii ka bixi lahayd dadkii aan jaarkoodda ka war hayn ee ay ku adkayd inay ogaadaan jaararkooda xaaladda ay ku nool yihiin in marka masaajidka laga diiwaangaliyo qoysaska jaarka la ah ee masaajid walba loogu baaqo in labixiyo xaqii jaar nimadda si jaararka danyarta ah loo caawin lahaa qofkii markii hore ku adkayd inuu ogaado xaalka jaarka waxa u fududanaysa in masaajidka ku bixiyo oo waajibkii ka saarna jaarka ee uu markii hore dayacay ka fududaanayso mar hadii uu masaajidkii uu ku xidhna ku bixinayo xaqii jaarka.

Marka wasaaaradda waxaanu ka sugaynaa barnaamijkaasi inay hirgaliso oo masajidadka hoos yimaadda ku amarta qorshahan lagu cawinayo jaarkoodda si masaajid walba dadka foqorada ah ee la jaarka ah ganacsi ugu abuuri lahaa dadkaasi, hadii taasi dhacdo wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay noqon lahayd mid ka dhaqaale badan wasaarad walba waa hadii ay fahansantay waajibka dalka iyo dadkaba ka saaran.

Barkhad-ladiif M. Cumar, barkhadladiif@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here