Warqad Furan Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Socota.

0
Sida taariikhda iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay hayaankii dheeraa ee ay nolosha aadamuhu soo martay inna tusinayso, ma jirto ummad horumar iyo barwaaqo ku tanaaday oo aanuu hogaamiye han iyo himilo xambaarsani horkicin.
Isla sidaas oo kale, ma jirto ummad fashilantay oo aanuu hogaamiye xumi sabab u ahayn.
Madaxweyne, waxa uu Ilaahay kuu qadaray in aad hogaamiso qarankan jamhuuriyadda Somaliland oo ah, dal ay duruufo iyo waayo badani ku xeeran yihiin, islamarkaana baahi weyn u qaba, in uu helo hogaamiye si daacad ah uga shaqeeya danaha iyo masaaliixda ay ummadani leeyahay. Kaa soo ka sabata bixin kara, dhibaatooyinka iyo mushkiladaha ragaadiyay.
Madaxweyne, markii ay shacabka Somaliland safafka dhaadheer ugu jireen goobaha codbixinta, hamigooda iyo hindisahooda ma ahayn, hawaawi-socod iyo dameeri dhaan-raacday.
Waxay se la haayeen ujeedooyin cad-cad iyo himilooyin si qoto-dheer, ugu arooraya baahiyaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasaseed ee ku gadaaman noloshooda.
Waxay sidoo kale dib u jalleecayeen, sooyaalka iyo waayaha nololeed ee ay soo dhex-jibaaxeen. Waxay si dhow ula socdeen xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee aynu la tacaalayno. Waxay isha ku hayeen horumarka iyo ilbaxnimooyinka dunida ka hanaqaaday.
Waxay maanka ku hayeen, saboolnimada iyo shaqo la’aanta baahsan ee bulshadeennu u dhutinayso. Iyaga oo intaa iyo inkale oo badanba ka duulaya, ayay madaxweyne, codka ugu badan adiga kuu hibeeyeen.
Waxaanuu malahoodu ahaa, in aad noqon doonto hogaamiye lagu hodmo, oo taariikhda baal dahab ah, ka galidoona. Nasiibdaro se madaxweyne, in badan oo bulshadii kuu codaysay ka mid ahi, waxay iswaydiinayaan halbeeggii iyo miisaankii ay maalintaa wax ku cabireen.
Madaxweyne, yuhuuntii iyo niyad samaantii ay shacab badan oo reer Somaliland ahi kuugu codeeyeen, waxa udub dhexaad u ahaa rajo iyo idi-diilo togan oo ay ka qabeen hogaamintaada. Waxa se hubaal ah, in uu maanta jiro guux iyo gocosho xoog badan, oo bulshada ka dhex aloosani, kaa soo salka ku haya, tabashooyin si mug weyn ugu arooraya hogaamintaada.
Madaxweyne, markii ay shacabka Somaliland codkooda ku siinayeen, waxay saadaalinayeen, in aad la iman-doonto qorsheyaal cad cad iyo istaraatijiyad si cilmiyaysan looga fikiray. Taa soo ka jawaabaysa, duruufaha iyo waayaha nololeed ee shacabkani la ilmaynayaan. Waxay se madaxweyne, maanta garwaaqsan yihiin, in ay taasi noqotay riyo beena iyo geedi lagu hungoobay.
Wadaxweyne, markii ay shacabka Somaliland codkooda ku siinayeen, waxay maanka ku hayeen in aad noqon-doonto hogaamiyihii ugu horeeyay ee si dhab ah xididada ugu siiba musuq-maasuqa iyo wax is daba-marinta. Sidoo kalena salka u dhigi lahaa, nidaam maaliyadeed oo hufnaan iyo hubanti ku shaqeeya. Madaxweyne, waxay shacabkii kuu codeeyay maanta ku qanacsan yihiin, in aanuu musuqmaasuqu lur iyo xanuun midna kugu haynin.
Madaxweyne, markii ay shacabka Somaliland codkooda ku siinayeen, waxay kaa-filayeen in aad dhidibada u taagi doonto horumar dhaqaale, mid bulsho iyo mid siyaasadeed oo dhumuc weyn, ku waa soo ku qotoma, daraasado iyo cilmi-baadhisyo si xeeldheer looga baaraandagay. Waxay se madaxweyne, maanta rumaysan yihiin in xisaabtii ay maalintaa isku geysteen khalad ahayd.
Madaxweyne markii ay shacabka Somaliland codkooda ku siinayeen, waxay odorosayeen in aad rukumada u taagi doonto, nidaam maamul oo si waafiya ugu dhaqma shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala. Islamarkaana ay Somaliland noqonto, dowlad iyada iyo shacabkeeduba xaq-dhowraan, shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla.
Waxay se madaxweyne, maanta dareemayaan in uu xaalku yahay, la jiifiyaana banaan, la joojiyaana banaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here