Wariyihii Xadhiga Ku Mutaystay Maqaal Uu Ka Qoray Doorka Imaaraadka Ee Dagaalkii Qaza Oo Geeriyooday

0
Suxufiga Caan ka ah dalka Urdun oo lagu magacaabi jiray Taysir Al-Najjar ayaa dhintay habeenimadii Khamiista kadib markii xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dartay .
Wariyahan oo muddo saddex sano ah xadhig ay ku xukuntay Dawladda Imaaraadka carabtuintii u dhaxaysay 2016 iyo 2019, ka dib markii uu dhaleeceeyay qaabka ay dawladda Imaaraadku uga gaabstay dagaalkii Qaza ee Sanadkii 2014, ayay wararku sheegayaan in xaaladiisa caafimaad ay wax iskaga bedeleen intii uu xabsiga ku jiray.
Waxa uu ahaa 46 jir, waxaanay xaaskiisu ay sheegtay in jeelkii uu ku jiray ee dalka Imaaraadka carabta uu ka soo qaaday cudurka Dhanjafka, sidoo kalena midka mid ah labadiisa dhagood uu ku soo beelay.
dawladda Imaaraadka carabta ayaa ka qabatay Magaaladda Dubai, sanadkii 2015 isaga oo markaas ku sii jeeday Dalka Cumaan, waxaana lagu soo eedeeyay in uu jabiyay Mid ka mid ah xeerarka u yaala wadamada gobolka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here